Yuusuf Dabageed oo si kale u dhigay xiisada HirShabelle

Jowhar (Caasimada Online) – Waxa maalmihii u dambeeyay khilaaf xoogan ka jiray Dhismaha maamulka HirShabeelle, kaasi oo ka dhashay isbedel deg-deg ah oo la rabo in lagu sameeyo hogaanka sarre ee maamulkaasi, taasi oo saameyn weyn ku yeelaneysa xilalkii ay beeluhu ku lahaayeen maamulka.

Guuxa khilaafkaasi oo ka taagna Jowhar ayaa Siyaasiyiinta qaar soo warinayaan in la damiyay, halka kuwa kale ay ku doodayaan midaasi badalkeeda, taasi oo jahwareer cusub u horseedaysa dhismaha HirShabeelle.

Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed), guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan, ayaa hadda isku dayaya inuu daboolo xiisadda dhismaha maamulkaas ka taagan, isaga oo sheegay inaanu jirin wax khilaaf ah

Waxa uu yiri inuusan jirin khilaaf hor istaagaya dhismaha maamulka, xili dhawaan lagu dhawaaqay liiska xildhibaanada baarlamaanka 2-aad ee maamulkaasi.

Daba-geed ayaa warbaahinta u sheegay in xiligan uusan jirin khilaaf, isla markaana dhawaan si toos ah loo gudo geli doono doorashada guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxweynahaba.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in xildhibaanada cusub la dhaarinayo, xili uu jiro guux iyo cabasho ay qabaan beelaha qaar, halka ay soo xulistooda ay dibad joog ka aheyd dowladda federaalku.

Si kastaba, Daba-geed iyo siyaasiyiin ku aragti ah ayaa qaba in dhismaha maamulka HirShabeelle uu u socdo si habsami leh, halka siyaasiyiin kale ay qabaan in si aan habooneyn wax loo maamulay, iyada oo ay soo baxeyso cabashada beelaha qaar oo xaalad cakiran galineysa dhismaha maamulkaasi.

Hoos ka dhageyso codka Dabageed