Zako Nooc cusub oo ka billaabatay Soomaaliya

Korneyl Axmed Maxamed Tareedisho, Taliyaha Ciidanka Militariga Dowladda Ee Bariga Gobolka Galgaduud, ayaa waxa uu Ururka Al Shabaab uu ku eedeeyay inay dhac ku hayaan shacabka ku dhaqan Bariga Gobolkaasi.

Taliyaha, ayaa qeexay in Shabaabku ay bil kastaa dadka deegaanka ka qaadaan lacago zako ah, iyagoona qaadista zakada ka dhigay mid joogto ah.

“12-ka bilood waxay Shabaab ka dhigeen bil zako, kala joogsi maba laha zakadooda. Waxay meesha u jooggaan in ay shacabka xoolaha ka dhacaan.” Ayuu yiri Taliyaha oo la hadlay Radio Muqdisho.

Korneyl Axmed Maxamed Tareedisho, ayaa sheegay Xoogaga Al Shabaab ee ku sugan Gobolkaasi in ay yihiin kuwo tiro yar, balse ay ku dhex dhuumanayaan shacabka deegaanka.

“Nabadiidka jooggo Gobolka Galgaduud waa afar xabo, oo shacabka ku dhex jira. Insha’Allah mar dhow waa laga dulqaadi doonnaa shacabka ay ku dhex dhuumaaleysanayaan.” Ayuu yiri Sarkaalkan.

Mar la weydiiyay sababta ay u soo gaba gabeen la’yihiin Shabaabka yar sida uu ku sheegay ku sugan Bariga Galgaduud, ayuu sheegay inaysan arrintu ahayn iska dhaqaaq, oo uu jiro qorshe lagu hawlgalo.

“Iska dhaqaaq maaha marka meel lagu dhaqaaqaayo waa in uu qorshe jiro, hadda qorshe ayaan meeshaan ku joognaa, qorshe ayaana kaga dhaqaaqi doonnaa.” Ayuu yiri Korneyl Tareedisho.

“Waala soo gaba gabeen doonnaa nabadiidka. Shacabka ayaan u tureynaa oo ay ku dhex jiraan, inta aan shacabka u tureyno ayaan u hakinay hawlgalada.” Ayuu sii raaciyay Tareedisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com