China oo jawaab ka soo saartay go’aanka xasaasiga ah ee ay qaadatay Soomaaliya

Beijing (Caasimada Online) — Dowladda Shiinaha ayaa Arbacadii si xooggan u taageertay go’aanka Soomaaliya ee ah in muwaadiniinta wata baasaboorrada Taiwan laga mamnuuco inay ku galaan, uga baxaan ama uga sii gudbaan dhulka Soomaaliya, iyadoo tallaabadaas ku tilmaantay mid sharci ah oo ka tarjumeysa madaxbannaanida qaranka iyo u hoggaansanaanta mabda’a “hal Shiinaha”.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Guo Jiakun, ayaa sheegay in mamnuucista — oo dhaqan galaysa April 30 — ay waafaqsan tahay dastuurka Soomaaliya iyo Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee lambarkiisu yahay 2758, kaas oo Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u aqoonsaday inay tahay wakiilka kaliya ee sharciga ah ee dalka Shiinaha.

“Go’aanka Soomaaliya wuxuu muujinayaa sida ay ugu dheggan tahay mabda’a hal Shiinaha,” ayuu yiri Guo shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beijing. “Xiriirka rasmiga ah ee u dhexeeya maamulka Taiwan iyo Somaliland waa faragelin toos ah oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.”

Bayaan gooni ah oo kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa si cad u cambaareysay Taiwan, iyadoo ku eedeysay inay kicinayso gooni-u-goosad iyadoo adeegsanaysa Somaliland — oo ku dhawaaqday madax-bannaani sannadkii 1991, balse aan weli helin aqoonsi caalami ah. Shiinaha ayaa ka digay in xiriirka Taiwan iyo Somaliland uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka Geeska Afrika iyo danihiisa qaranka.

“Fikradaha gooni-u-goosadka ee Taiwan waxay faragelin ku yihiin arrimaha gudaha ee Soomaaliya waxayna wiiqayaan nabadda iyo xasilloonida gobolka,” ayay tiri safaaraddu. “Shiinaha wuxuu si buuxda u taageerayaa dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu difaacayo midnimada qaranka, wuxuuna si adag uga soo horjeedaa wax kasta oo xiriir rasmi ah oo dhexmara Taiwan iyo Somaliland.”

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan (MOFA) ayaa si kulul uga hortimid go’aanka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inuu yahay mid siyaasadaysan oo ay Beijing ka dambeyso. MOFA waxay sheegtay in Soomaaliya ay si khaldan u fasirtay Qaraarka 2758, iyadoo isku dayaysa in ay u adeegsato taageeridda sheegashada Shiinaha ee ah in Taiwan tahay qayb ka mid ah dhulkiisa.

“Go’aankan wuxuu si toos ah u khalkhalgelinayaa badbaadada iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa ee muwaadiniinta Taiwan,” ayay bayaan ku sheegtay MOFA, iyadoo ku baaqday in Soomaaliya ay si degdeg ah uga laabato go’aankaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan waxay sidoo kale uga digtay muwaadiniinta Taiwan inaysan safar ku tagin Soomaaliya ama Somaliland inta xaaladdu taagan tahay.

Taiwan iyo Somaliland ayaa sannadihii u dambeeyay xoojiyay xiriirkooda, iyagoo furay xafiisyo matalaad ah oo labada dhinac ah, islamarkaana iska kaashaday arrimo ay ka mid yihiin caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta tamarta.

Taiwan waxay ku tilmaantaa Somaliland inay tahay “lamaane dimuqraadi ah oo ay wax wadaagaan,” inkastoo hawada Somaliland weli hoos timaaddo dowladda federaalka Soomaaliya — arrin u suuragelisay Muqdisho in ay hirgeliso xayiraadda socdaalka.

Go’aankaasi wuxuu muujinayaa tartanka sii xoogeystay ee ku saabsan saameynta diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika, xilli Shiinaha uu sii wadayo dedaalladiisa lagu go’doominayo Taiwan, isaga oo dhanka kale xoojinaya xiriirka uu la leeyahay waddamada Afrika.