10 qodob oo sabab u ah xasilooni la’aanta Xamar

Magaalada Muqdisho oo ay kushaqeeyaan dhammaan golayaasha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa kataagan xasilooni la’aan iyo nabadgelyada oo sii xumaaneysa saddexdii bil ee ugu dambeysay kaddib weeraro iyo qaraxyo kadhacay degmooyinka caasimadda qaarkood.

Bilaha January, February & March waxaa kadhacay magaalada Muqdisho inta la diiwaangeliyey 10 weerar oo loo adeegsaday Qaraxyo gaadiid lagu soo xiray iyo weeraro si toos ah loogu qaaday xarumaha Wasaarado iyo Hoteelo ganacsi, 10-kaas weerar waxaa ku dhintay inta la helay tirakoobkooda 66 qof,  halka ay ku dhaawacmeen 166 kale iyada oo hanti  iyo guryana ku burbureen, haddaba su’aasha lagayaabo in aad isweydiiso waa Sababta ay Xamar oo caasimaddii dalka ah u xasili la’adahay iyo waxyaabaha xagga dambe ka riixaya deganaansho la’aanta caasimadda iyada oo dowladdu ku doodeyso in ay nabadgelyada iyo ciidanka ku bixineyso sanadka 2019 lacag kabadan lacagtii ay ku bixisay sanadkii  2018.

Raisal wasaare Xasan Cali Khayre oo kahadlayey dhaqaalaha ay xukuumadda Soomaaliya ku bixiso ciidamada qalabka sida ayaa yiri:- “ 2017 inta dowladdeenu jirtay laga soo billaabo January ciidamada qalabka sida dowladda Soomaaliyeed waxa ay ku bixisay lacag tiradeedu ay gaareyso $89,000,000 (Siddeetan & Sagaal milyan oo Dollar), 2018-kii waxa aan ku bixinay 102,000,000 (Boqol & Laba milyan oo Dolar), 2019-ka waxa aan rabnaa in aan ku bixino ugu yaraan $107,000,000” (Boqol iyo Todobo milyan oo dollar)

10-ka weerar ee dhacday saddexdaas bil xukuumaddu weli kama soosaarin wax xog iyo warbixin ah oo kusaabsan Khasaaraha iyo tirakoobka dhibaatada dhacday basle waxa ay madaxdu Isbitaalada ku booqdeen dhaawacyada waxa ayna tacsi ka bixiyeen dhimashada, dhaawaca  iyo burburka hantiyeed ee  gaaray shacabka.

Tirakoob hordhac ah

Haddaba waa maxay sababta ay nabadgelyadu u sii xumaaneyso?

Waxa jira sababo loo qaateen ah oo kadambeeya nabadgelyada iyo amniga sii xumaanaya ee Muqdisho marka aad qiimeeyso dhaqanka xukuumadda iyo dhibaatada taagan, 10 qodob ayaa sabab u ah xasilooni la’aanta Xamar sida ay sheegeen Waaya-aragga Nabadgelyada iyo maamulka iyo madax katirsan dowladda Soomaaliya.

Qodobadaas waxaa kamid ah:

1-Degganaansho la’aanta Siyaasadda

Marka ay dhacdo xasilooni la’aan siyaasadeed oo dowladda dhexdeeda ah ama dowladda iyo kooxaha kasoo horjeed ah waxa ay madaxda kaladuwan ee dowladdu isku mashquuliyaan sidii ay u illaashan lahaayeen xilalka iyo kuraasta iyaga oo ka fogaanaya dhammaan wixii ay u arkayaan in ay sabab u noqon karaan luminta xilka, taasina waxa ay sababtaa in aan mas’uulna  qaban iskuna howlin shaqadii loo xilsaaray, taas oo hoos u dhigta howlgalka fulineed ee dowladda

2-Xogta Dowladda oo u Furan kooxaha kasoo horjeeda

Kooxaha ka horjeeda jiritaanka dowladda ama diiddan sida ay u falgeleyso waxa waaya-aragga nabadgelyadu muujiyeen in ay haystaan galaangal fiicanna u leeyihiin helidda xogta dowladda ee kusaabsan tusaale ahaan nabadgelyada, taas oo u sahasha in ay fuliyeen falal qalqalgelya deganaanshaha si xukuumadda loo  cadaadaadiyo ama loo hakiyo howl ay fulin lahayd.

Tusaale ahaan fadl-dembiyeed walba oo dhacaya waxa uu u baahan yahay in loo helo xog, xoolo iyo fuliyeyaal, waxaana ugu horreeya xogta oo qaarkeed laga heli karo dowladda, marka taas la fiiriyo waxaa suuragal ah in kooxaha fuliya weeraradu ay helaan xog muhiim ah oo loo adeegsado fulinta weerarada.

3- Hannaanka Howlfulinta ee dowladeed oo aan shaqaynayn

Kulamada iyo fadhiyada madaxda dowladda waxaa ka soo baxa howlo ay tahay in si maangal ah loo fuliyo si arrin taagan wax looga qabto, balse hannaanka howl-fulinta ee xukuumaddu waa howlgab ama waxa uu ku maqan yahay meelo aan muhiim ahayn hadda marka la barbardhigo Nabadgelyada xarunta caasimadda, taasna waxaa suuragal ah in ay sabab u tahay qalfoofta qaabdhismeedka iyo  kala sarreynta madaxda xukuumadda oo aan caddeyn ama raaciddiisa oo la sahashado.

4- Yaraanta Waaya-aragnimada & aqoonta mas’uuliyiinta Nabadgelyada

Waaya-aragnimadu howl walba waa u muhiim iyo udub dhaxaad, ciidamada iyo saraakiisha hoggaamineysana waaba tiir-dhaxaadka uu ku taagan yahay howlgalka iyo kafalcelinta xaaladaha nabadgelyo ee ciidanka, degmooyinka oo sal u ah xasiloonida caasimadda waxaa saldhigyadooda maamula dhallinyaro firfircoon balse aan Sooyaalka nabadgelyada ee Muqdisho iyo nuuca weerarada ay tahay in laga jawaabo aan wax weyn kala socon laganayaabo in aanay xirfad iyo tababar ahaan u dhigmin cidda ay wajahayaan ee la rabo in ay ka guuleystaan, taasina waxa ay nugeyl badan u horseedday laamaha nabadgelyada ee dalka.

5-Xubnaha golayaasha dowladda oo aan dalka deganayn

26-ka Wasiir ee xukuumadda Soomaaliya ka kooban tahay waa qurbe-joog, waxa ay deggan yihiin Hoteelo iyo guryo lagu illaaliyo nabadgelyadooda taasna waxaa u dheer in  qoysaskooda iyo carruurtooduna  ay ku nool yihiin dibadda, sidaas awgeed mar haddii aanay xiriir deegaan iyo mid nololeed la lahayn nolosha caasimadda waxa adkaatay sida ay u wajihi karaan dhibaatada.

6-Kalsooni la’aanta Shacabka

Kalsoonida Shacabku ku qabo ciidanka iyo hay’adaha nabadgelyada oo bud-dhig u ah lashaqeyntooda ayaa aad u hooseysa iyada oo muwaadiniintu ka cabsi qabaan in ay halis galaan nabadgelyo ahaan haddii ay xog nabadgelyo u gudbiyaan ciidanka iyo laamaha ammaanka, taasina waxa ay kalagoysay wadashaqeyn walba oo dhexmari lahayd labada dhinac, inta ay ka hagaageysana waa adag tahay in xasilooni dhacdo

7-Heerarka xogta Ammaanka oo jaha-wareersan

Heerarka xogta nabadgelyada ee xukuumaddu waxa ay hoos uga dheceen meeshii ay ahayd in ay joogaan, waxaana suuragal ah in madaxda hay’adaha nabadgelyadu ay ku jahawareersan yihiin Saaxiibka iyo cadowga, heerarka xogtuna aanayba jirin sida Sir iyo Sir culus

Dad badan oo kasoo goostay kooxaha kukacsan xukuumadda Soomaaliya ayaa xilal ka haya laamaha ammaanka iyo ciidanka dowladda sidaas awgeed waxa ay gacanta kudhigaan xog muhiim ah iyada oo aanay caddeyn cidda ay daacadda u yihiin

8- Musuqmaasuqa iyo laaluushka hay’adaha Nabadgelyada

Musuqa iyo Laaluushka oo ay heysan karaan oo keli ah dad leh awood fulineed oo ciidanka ah ama ganacsato xiriir la leh madaxda iyo hoggaanada ciidanku waxa ay taagdarro ku rideen howlgal ciidanka, taasina waa sababta ay u taagan tahay xasaradda ciidanka xoogga dalka la xiriirrta ee sababtay in ciidamada qaarkood ka baxaan furimaha dagaalka.

Tusaale ahaan Dadka fuliya weeraradu waxa ay intooda badan xiran yihiin dharka ciidanka gaar ahaan dharkii ugu dambeeyey, taasi waxa ay muujineysaa jiritaanka xiriir wadashaqeyneed oo u dhexeeya cid haysa awood sare oo kamid ah dowladda iyo kooxaha kahorjeeda dowladda, taas oo sahasha in dharkaasi ugu gudbo dhinaca kale wadashaqeyn ama ganacsi midkood

9-Caddaalad darrada maxkamdaha garsoorka

Adeegyada dowladuhu siiyaan dadkooda waxaa ugu horreeye Garsoor caddaalad ah, waxa uu kahorreeyaa dhammaan adeegyada kale, sida ay madaxda maxkamadaha qaarkood ay sheegeen, waxaa jira muwaadiniin tirsada caddaalad xumo kaddibna caddaaladda u doonto cid kale oo kahorjeedda dowladda ama waxa uu u raadiyaa caddaaladdii hab aan sharci ahayn iyada oo lagayaabo in uu awood geliyo sidii ay xkuumaddu u guuldareysan lahay.

10-Hannaanka Kormeerka iyo xisaabinta laanta fulinta oo hoos u dhacay

Xukuumdda oo ah awoodda fulinta ee dowladda mas’uulna ka ah nabadgelyada iyo jaangoynta tirada, tayada iyo taageerada hay’adaha ammaanka ee dowladdu cabsi kama qabto korjoogteyn iyo xisaabin wixii kadambeeyey mooshinkii siyaasadeed ee March-2018 lagu riday af-hayeenkii hore ee golaha shacabka, taasina waxa ay horseedday in Wasiirna loo gole joojin gaabiska iyo dhibaatada kadhalatay dayaca howshiisa.

Xigasho: Radio Mustaqbal