100 muhaajiriin ah oo lagu la’yahay xeebaha Liibiya

Tripoli (Caasimada Online) – Dooni ay la socdeen ku dhowaad 100 qof oo muhaajiriin ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay Talaadadii ku degtay xeebaha waddanka Liibiya.

Doontan oo ay saarnaayeen muhaajriinta dlal dhowrr ah ayaa kasoo baxday deegaanka lagu magacaabo Qasr Alkayar oo ku yaalla bariga Tripoli, sida ay shaacisay Hay’adda IOM.

Tahriibayaasha ayaa kusii jeeday Qaaradda Yurub, balse waxa ay ku dhammaadeen biyaha Badda, kadib markii ay la degtay doonidii ay ku safrayeen.

War qoraal ah oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Twitter-ka ee Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ayaa waxaa lagu sheegay in haatan la’yahay ugu yaraan  illaa 73 tahriibayaal ah oo kamid ah muhaajiriinta saarnaa doonta ku degtay xeebaha dalka Liibiya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ilaa hadda lasoo bad-baadiyay 7 qof kamid ahaa muhaajriinta, kuwaas oo haatan ku jira isbitaal, sida ay sheegtay Hay’adda IOM.

Sidoo kale waxaa lasoo saaray meydadka illaa 11 qof, kadib dadaal ay sameeyeen hay’adda Bisha Cas ee Liibiya iyo booliiska deegaanka.

Dhankooda maraakiibta ilaalada xeebaha ayaa bilaabay inay raadiyaan muhaajiriinta kale ee la waayey, kuwaas oo loo maleynayo inay ku dhinteen biyaha badda.

Liibiya ayaa aheyd marinka ugu weyn ee tahriibayaasha doonaya inay gaaraan Yurub iyaga oo mara marin khatar ah oo saxaraha iyo badda Mediterranean-ka ah.

Inta badan muhaajiriinta kusii qul-qulaya Yurub oo u badan Afrikaan ayaa safarro halis ah ku mara badda, waxayna  galaafatay nolosha tobanaan kun oo muhaajiriin ah.