Aabe iyo 7-carruurtiisa ah oo ciil dartiis ugu wada biiray ciidanka DF Soomaaliya

Xarardheere (Caasimada Online) – Gaashaanle Sare Maxamuud Maxamed Ceyrow, waa aabbaha 7 dhalinyaro ah oo 5 kamid ah ay ka tirsan yihiin ciidanka dowladda Soomaaliya, halka labada kalena ay ku bexeen gacanta Al-Shabaab, kuwaas oo lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Labada wiil ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray Jaamac Maxamuud Ceyrow iyo Faarax Maxamuud Ceyrow waxay kamid ahaayeen ciidamada militariga Soomaliya, dabayaaqadii sanadkii tegay ayaa lagu dilay Muqdisho.

G/Sare Maxamuud Ceyrow iyo afar dhalinyaro ah oo uu dhalay ayaa hadda ka tirsan ciidanka dowladda ee Al-Shabaab ka xoreynaya dalka, waxayna ku sugan yihiin degmada Xarardhere ee gobolka Mudug oo dhowaan ay dowladdu ka xoreysay Al-Shabaab.

Aabahaan iyo afar ka mid ah dhashiisa ayaa ka mid ahaa ciidankii xoreeyey Xarardheere, halka kan kale uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuba ka tirsan yahay ilaalada xarunta baarlamanka ee Galmudug.

Waa saddex gabdhood iyo labo wiil, marka lagu daro Faarax iyo Jaamac oo la dilay, sidaas ayey ku noqonayaan toddoba. Dad badan ayaa is weydiinaya sida ay ku suuragashay in reerkan oo dhan ay noqdaan ciidan ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo sababaha ku kaliftay.

Gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Ceyrow, ayaa la weydiiyey su’aashaas wuxuuna ku jawaabay, “Xilli aan ku nooleyn Xarardheere aniga iyo ilmaha aan dhalay ayey Al-Shabaab soo galeen degmada, aniga waxaan aad u diiddanaa aragtidooda, waxay iigu baaqeen in aan iyaga ku biiro waana ka diiday, xilligaasi aniga oo haysta ciidan aan badneyn ayaan Al-Shabaab dagaal culus la galnay, markaas wixii ka dambeeyay magaalada ayaan isaga soo baxay.”

G/Sare Ceyrow ayaa intaas ku sii daray, “Ilmahayga kuma aanan qasbin in ay askar noqdaan, balse iyaga ayaa door biday in ay iga barbar dagaallamaan intii ay gumeysi ku noolaan lahaayeen.”

Sidoo kale sarkaalkaan wuxuu ka hadlay sida uu u arko in carruurtiisa ay ka barbar dagaallamaan, “Waxaan ku faraxsanahay in ilmahayga ay diyaar u yihiin xoreynta deegannada dalka, ma jiro hal cunug oo aan dhalay oo dhahaya waxan ku noolanayaa meel ay joogaan Al-shabaab, ama shacab ayaan ahaanayaa ee ha I dilaan ama ha I daayaan, dhammaandood waxay doorteen in ay u noolaadaan si geesinimo leh,” ayuu yiri.