Afwerki oo si yaab leh uga hadlay ciidamadii lagu soo tababaray dalkiisa Eritrea iyo siyaasadda Soomaaliya

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Eretria Asias Afwerki ayaa wareysi soconayay 4 saacadood siiyay talefishinka qaranka ee dalkaas ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhismaha ciidamada Soomaaliya iyo faragelinta shisheeyaha.

Ku dhawaad 30 daqiiqo oo wareysigaas ka mid ah ayuu xaaladda Soomaaliya kaga hadlay, gaar ahaan dhismaha ciidamada iyo amniga Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan loogu tiirsanaan karin ciidammo maleeshiyo ah oo uu ula jeedo ciidamada deegaanka ee dhawaan hubka qaatay, si ay ula diriraan Al-Shabaab.

Waxaa uu ka hadlay faragalinta shisheeye ee Soomaaliya lagu hayo iyo dib u dhiska ciidamada, waxaana hadalladiisii ka mid ahaa, “Soomaaliya waxaa looga baahanyahay inay dhisato hay’ado ay u madax bannaan tahay maadama ay tahay waddan xor ah, tan ugu horeysa waa in uu dalku isku dubba rido ciidamadiisa difaaca, ma aha in lagu tiirsanaado maleeshiyaad, waana in isticmaalka maleeshiyaadka laga saaro hannanka dib u dhiska ciidanka”.

“Si taas loo hir geliyo waan in la helo dawlad Soomaaliyeed oo ku taagan cagaheeda, isla markaana dejisa oo hubin karta istiraatijiyadda dib u dhiska hay’adaha dawliga ah iyo difaaca dalka,” ayuu sii raaciyey Afwerki.

Baahida ciidanka difaac ee Soomaaliya

Isaga oo ka hadlaya baahida ciidamada difaaca ee Soomaaliya inta ay la egtahay ayaa waxa uu Afwerki sheegay in marka la eego baaxadda dhulka iyo badda ee Soomaaliya aanay ku filnayn shanta kun ee ciidanka ah ee ay dhawaan Eretria u tababartay Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu faahfaahiyay sida ay Soomaaliya u dhisan karto ciidan qaran oo awood leh, isaga qudhiisuna uu diyaar u yahay in arrimahaas uu ka caawinayo Soomaaliya. Balse wuxuu ka digay in faraglin kasta oo shisheeye ay dib u dhac u keeni karto guusha ciidamada Soomaaliya.

Afwerki oo aaminsan in Soomaaliya ay qabto baahi ciidan oo baaxad leh ayaa sheegay in “ Soomaaliya ay baahan tahay ciidan ay gaar u leedahay oo tiro ahaan gaaraya 140 kun illaa 160 kun,”.

Faragelinta shisheeye iyo ciidanka Soomaaliya

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in ciidankaas loo dhiso qaab ay ku ilaalin karan jiritaanka Soomaaliya, iyaga oo aan ka amar qaadaneyn dad ajaaniib ah.

“Waa in loo dhisaa ciidankaasi qaab ay ku ilaalin karaan jiritaanka Soomaaliya, ma aha inay ka amar qaataan dad ajaaniib ah ama ay kasoo jeedaan maleeshiyaad ka kooban qabiillo kala duwan, ama in ay rumaysan yihiin afkaaro kala duwan, waa in ciidanka uu ahaado hay’ad u adeegta midnimada iyo horumarka Soomaaliya, yoolkaasina laguma gaarI karo adeegsiga maleeshiyaadka,” ayuu yiri Asaias Afwerki Madaxweynaha Eretria.

Afwerki oo ku sheegay in waxa Soomaaliya curyaamiyey ay tahay faragelinta shisheeyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in si loo fara galiyo Soomaaliya lagu marmarsiyoodo dhibaatada aragagixisada, taas oo uga sii darta xaaladda dalka.

“Waxaa uga sii daraya xaaladda Soomaaliya faragelin kasta oo uga timaadda gacmaha shisheeye iyada oo lagu marmarsiyoonayo dhibaatada argagixisada ama Al-Shabaab,” Ayuu yiri Afwerki.

Hadalka madaxwenaha Eretria ayaa kusoo aadaya xilli dagaalka ciidamada dawladda Soomaaliya oo garab ka helaya maleeshiyo beeleedyo la magac baxay macawisleyda ay kula jiraan ururka Al-Shabaab uu meel xasaasi ah marayo.