Shabaab & riyada ‘khilaafada Islaamiga ah’ ee AFRIKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii la dilay Hoggaamiyihii al-Qaacidda, Ayman al-Zawahiri dhammaadkii bishii July, kooxo dhowr ah oo xagjir ah ayaa si cad bayaacadodoa ugu balan-qaaday Ururweynaha al-Qaacidda. 

Sababta ka dambeysa baaqa taageeridda ah waxaa lagu sheegay laba mid: tan koowaad, waa inay farriin nool u dirayaan dunida oo ku saabsan in al-Qaacidda ay weli kasii adag tahay sidii hore oo aanay saameynin dhimashada hoggaamiyahooda; iyo tan labaad oo ah in Ururku uu diyaar u yahay inuu sii joogteeyo howlgallada jihaadiga ah kaddib markii ISIS ay kala baxday saaxadda dagaalka. 

Kooxda al-Shabaab waa midda ugu weyn Afrika ee si weyn ugu xiran al-Qaacidda. Khubarada qaar ayaa rumeysan in kooxdu hesho dakhli aad uga badan midka soo gala dowladda Soomaaliya. Tani waxay ka caawisaa inay weeraro iyo howlgallo ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo dalalka deriska ah sida Kenya iyo Itoobiya. 

Sannadkii 2006 ayaa la aas-aasay al-Shabaab. Waxayna ka tirsaneyd Ururkii Maxkamadaha Islaamiga kahor inta aanay labo garab u kala bixin. Kooxda ayaa ku guuleystay inay mar maamusho 90% dhulweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Waxaase xooggooda aad u wiiqay howlgallada isku dhafka ah ee dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa ciidamada AMISOM kuwaas oo caasimadda Muqdisho ka saaray sannadkii 2011. 

Tan iyo markaas, al-Shabaab ayaa dib ugu gurtay deegaannada ka fog magaalooyinka oo ay ka dhiseen maamullo hoos yimaada. Waxayna dhaqdhaqaaq dagaal oo joogto ah kusoo qaadaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM. 

Weerarkii dhawaan ay kusoo qaadeen Hoteelka Xayaat kaas oo ay heysteen muddo 30 saacadood ku siman, waxay tusaale u tahay awoodda kooxda. Ciidamada dowladda ayaa ugu dambeyntii awooday inay soo badbaadiyaan dadkii ku ku go’doomay hoteelka – islamarkaana ay dilaan weeraryahannadii dagaalka soo qaaday. 

Sida ay ku warramayaan warbixinnada sirdoonka, al-Shabaab waxay bil walba heshaa dakhli ka badan $15 milyan. Ilaha ay lacagahani uga soo xeroodaan kooxda ayaa lagu sheegay dagaallada ay la bartilmaameedsadaan xarumaha ganacsiga – oo ay ku baadaan awoodda qoriga – fulinta falal burcadbadeednimo iyo canshuuraha ay ka qaadaan ganacsatada gudaha. 

Tirada xoogga u dagaal-geli kara kooxda ayaa lagu sheegay inay dhan yihiin 10,000 oo dagaalyahan, sida ay tilmaamayaan xogaha sirdoonka laga helay. 

Dhaqdhaqaaqa fudud oo aan sharciyeysneyn kaas oo si fudud xuduudaha la isaga kala gudbi karo ayaan kaliya kooxda u sahlin inay horumaraan balse sidoo kale u oggolaaday xiriir dhow inay la sameysato Kooxda Boko Haram ee ka dhisan dalka Nigeria. 

Khalad weyn bay ku ahayd Maraykanku inuu ciidamadiisa gaaraya 700 oo askari kala baxo Soomaaliya xilligii Donald Trump, sida ay ku doodayaan khubaradu. Laakiin hadda madaxweyne Joe Biden ayaa amray in dib loogu daadgureeyo ciidamada Maraykanka gudaha Soomaaliya. 

Khubaradu waxay hadda walaac ka muujinayaan muddadii ciidamadaasu ka maqnaayeen Soomaaliya. Waxayna qabaaan in al-Shabaab ay si weyn isku awoodeysay oo sidii hore ay hadda ka xoog badan tahay. 

Al-Shabaab waxay qaaradda Afrika u arkaan halka ugu mudan oo dib looga yagleeli karo Khilaafadii Islaamka ee burburtay, waana riyadooda ay doonayaan inay ka dhabeeyaan. Yoolkeedu waa inay soo jiidato kooxaha ay isku fikirka yihiin ee ka dhisan dalalka Afrika si ay sees ugu noqdaan dhismaha ‘riyadan guunka’ ah ee khilaafada Islaamiga ah ee Afrika. 

Mounir Adib – Waa saxafi Masri ah. Wuxuu faalladan ku qoray wargeyska An-Nahar 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.