Shabaab oo weerar culus ku qaaday Daarunicma – Maxaa halkaas ka dhacay galabta?

Daarunicma (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar culus ku qaaday deegaanka Daarunicma ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus oo sababay inay Shabaab la wareegaan deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa maleeshiyaad badan ku soo weeraray Daarunicma, kuwaas oo watay sideed gaari oo nooca dagaalka ah, waxaana halkaas ka dhacay dagaal la isku riiqmay.

Ciidan badan ayaa xoogga dalka ka joogay Daarunicma, sidoo kale macawiisleyda deegaanka ayuu ciidan badan ka joogay deegaankaas, kuwaas oo dagaal culus la galay Shabaab-kii weerar ku soo qaaday.

Ciidamada ayaa dib uga gurtay deegaanka, waxaana gudaha u galay Shabaab-kii soo weeraray Daarunicma, balse waxaa la sheegay in galabta gabal-dhicii ay isaga baxeen.

Ciidamada oo isugu tegay duleedka deegaankaas ayaa mar kale dib isku soo abaabulay, si ay deegaanka uga xoreeyaan kooxda Al-Shabaab, balse waxaa la sheegay in hortood ay ka baxeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la hadlay warbaahinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa Arbushaad, isla markaana ay iska caabiyeen kooxdii soo qaaday duulaanka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in weerarka ay ku dileen Maleyshiyaad badan oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo caawa meydadkoodu ay dhexyaalaan deegaanka.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa beeniyey in degaanka ay la wareegeen Al-Shabaab, iyagoona sheegay in gacanta  ciidanka ay ku jirto Daarulnicma, balse dadka deegaanku waxay Caasimada Online u sheegeen in magaaladaas ay muddo kooban gacanta u gashay Al-Shabaab.