Aqalka Sare oo war yaab leh kasoo saaray wixii maanta ka dhacay xarunta barlamanka

Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa qoraal ka soo saaray gacan-qaadkii iyo buuq maanta hareeyey kulanka labada Aqal ee ka dhacay xarunta golaha shacabka.

Xildhibaanada golaha shacabka oo diidanaa in la guda-galo akhrinta miisaaniyadda 2024-ka, iyadoo aan lasoo xirin miisaaniyadii sanadkii hore ayaa sameeyey buuq iyo gacan-qaad.

Waxaa hoolka lagu garaacay habdhowraha golaha shacabka oo xildhibaan ka tirsan golaha uu u gacan qaaday.

Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Cabdullahi Abshirow ayaa kulanka shir guddoominayey, waxaana wixii maanta dhacay iska fogeeyey guddoonka Aqalka Sare.

Qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in buuqii maanta hareeyey kulanka labada aqal uu ahaa nasiib darro laga baaqsa karay oo Aqalka Sare uusan qeyb qaadan.

“Golaha Aqalka Sare, wuxuu ka xun yahay is hortaaggii ka dhacay Villa Hargeysa maanta oo ay tariikhdu tahay 𝟐/𝟏𝟐/ 𝟐𝟎𝟐𝟑, kaas oo sababay in uu qabsoomi waayo kulanka wadajirka ahaa oo loogu ballansanaa in looga hadlo Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decenber 2022-ka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Aqalka Sare ayaa intaas ku sii daray, “Golaha Aqalka Sare oo ka duulaya 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝟔-𝐚𝐚𝐝 xarafka (𝐚) oo qeexaya in ay Labada Aqal u gutaan si wadajir hawlaha ay waddagaan, wuxuu howlo shaqo u tegay Xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa, balse, nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Golaha ayaa ugu dambeyn qoraalkiisa ku yiri “Aqalka Sare wuxuu caddaynayaa in uusan dhacdadaan qayb ka ahayn, wuxuuna rajaynayaa in xal degdeg ah laga gaaro wixii dhacay.”