Aqriso: 10 waxyaabood oo Muslimiinta laga doonayo inay sameeyaan Ciidul-Fitriga

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidul-Fitri ayaa loo dabaal-degaa maalinta koowaad ee bisha Shawaal, waxaana loo dabaal degaa sidoo kale dhammaadka bisha barakeysan ee Ramadaan, oo ah tan ugu barakeysan taariikhda bilaha Islaamka.

Muslimiinta dunida ayaa iyagoo aad u faraxsan u dabaal-dega bishan. Waxay Muslimiintu bishan kusoo dhoweeyaan xirashada dhar cusub, karinta cunnooyin macaan, iyo la kulanka asxaabta iyo qaraabada.

Muslimiinta ayaa ku bilaaba maalintooda akhrinta Takbiirta oo lasii wadayo kahor salaadda Ciidda.

Dalalka Islaamka oo Soomaaliya ka mid tahay, Takbiirta waxaa laga sii daayaa idaacadaha iyo telefishinnada sidoo kale. Takbiirtu waa aqoonsashada weynaanta Alle.

Inkastoo meelo badan laga ciidayo, haddana Muslimiinta qaar ayaa laga yaabaa inay xoogaa ka daahaan Ciidda iyadoo ay ku xiran tahay halka ay joogaan. Dadka qaar ayaa soomay maalin kadib markii inta badan Muslimiintu ay soomeen, waxayna u badan tahay inay maalin kale uga dambeeyaan Ciidda.

Caadiyan, waa xilli ay isugu yimaadaan qoysaska iyo saaxiibbada ayna isku rajeeyaan “Ciid Mubaarak” waxayna wadaagaan cunno, is dhaafsadaan haddiyado waxayna sidoo kale bixiyaan sadaqo.

Mala isku raacay Ciiddan?

Ciidul Fidriga ayaa ku beegan maalinta koowaad ee bisha tobnaad ee Shawaal oo maanta ay u tahay inta badan dalalka Islaamka ee dunida, laakiin Islaamka dhexdiisa waxaa ka taagan dood ku saabsan goorta ay tan dhab tahay.

Halka qaarna ay raacaan jadwalka Dayaxa ee la dejiyay qaarna ay isticmaalaan indho-indheynta xiddigiska si ay ugu dhawaaqaan bisha curashadeeda, inta badan muslimiintu waxay calaamadeeyaan bil cusub kaliya ka dib markii bil dhalatay oo cusub dhab ahaan loogu arko cirka.

Tan waxaa sida caadiga ah sameeya mas’uuliyiin ka tirsan mas’uuliyiinta Islaamka, halkii ay ka ahaan lahaayeen shakhsiyaadka eegaya cirka.

Lama hubo tirada dalalka Islaamka ee aan maanta ciidin, balse waxaa jira dalal ay ka mid tahay Hindiya oo aan qeybo badan oo ka mid ah laga ciidin.

Haddaba maxaa laga doonayaa Muslimiinta?

Ciiddu waa muhiim sababtoo ah waxay ka dambeysaa Ramadaan – bisha soonka markaasoo Muslimiintu ay iska daayaan wax cunidda, cabidda, sigaarka iyo arrimo kale xilliga maalintii.

Bishan ayaa loo markaa xilli uu qofku is xisaabinayo, naftiisa hagaajinayo, is xakameynayo uuna Alle u dhowaanayo.

Bal aynu eegno, 10 waxyaabood oo culimadu ay kula talinayaan Muslimiinta inay sameeyaan maanta oo kale.

  • Ku bilow inaad wax cunto ama cabto kahor inta aadan salaadda aadin
  • Alle u mahad-celi adiga oo cunno wanaagsan qoyska u diyaarinaya si ay u cunaan kahor inta aysan salaadda Ciidda soo tukan.
  • Hubi in Zakatul-Fitriga la bixiyay haddii aan hore loo bixin kahor Ciidda.
  • Qubeyska iyo nadaafadda oo lagu dadaalo.
  • Xiro dhar cusub amaba nadiif ah sidoo kalena is carfi (ragga).
  • Aad masjidka adiga iyo qoyskaagaba – oo carruurtu ka mid yihiin, rag iyo dumarba sidoo kale.
  • Tirada Takbiirta inta lagu guda jiro masjidka waa in la sii wadaa ilaa Imaamku uu goobta imaanayo bilaabayana salaadda.
  • Waxaa la jecel yahay in la dhegeysto khudbada Sheekha kadib salaadda marka la tukado.
  • Waa sunno in la beddesho waddada – taasinaa waa, in qofku uu jid kale maro oo ka duwan tii uu ugu yimid masjidka si dadka dunidu ay u arkaan Muslimiinta oo Ciidda u dabaal-degaya.
  • Kadib marka aad kasoo baxdo masjidka, adiga, asxaabtaada iyo qoyskaaguba isla wadaaga farxadda Ciidda.

Isha: BBC