Aqriso: Qodobo cusub oo laga helay heshiiska difaaca badda ee Soomaaliya iyo Turkey

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa heshiiska difaac ee dhawaan ay wada gaareen dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo Ankara ay kula wareegayo ammaanka baddeena.

Heshiiskan oo si deg deg ah ay u meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Soomaaliya iyo labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa uu Turkiga, gaar ahaan ciidamadooda badda uu siinaya awood ay ku ilaalinayaan xeebaha dalka oo dhan.

Heshiiska oo maalmo kahor uu saxiixay Madaweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kalr waxaa la filayaa in maalmaha soo socda uu heshiiskaasi ansixiyo baarlamaanka dalka Turkiga, islamrkaana uu qalinka ku duugo madaxweynaha dalkaasi Mr Erdogan.

Heshiiskaan ayaa socon doono muddo 10 sano ah, iyada oo ciidamada Turkiga lagu wareejinayaa xeebaha dalka todobaadyada soo socda, iyaga oo sidoo kale dib u dhis ku sameynaya iyo qalabeyn ciidamada badda Soomaaliya.

Ilaa hadda ma cadda in heshiiska ay ku jirto, in haddii lagu soo xad-gudbo xeebaha dalka ay u dhiman doonaan iyo in kale dhinaca Turkiga, taasi oo haddii aan jirin aan waxba ka duwanaan doonin joogidooda waqtigan ee qeyb ka noqoshada howl-galka amni sugida ee ay dalal badan ku joogaan biyaha dalka.

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helay nuxurka qodobada heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana harra la helayaa qodobo cusub oo heshiiska ah oo ay saxaafadda Turkiga qortay, oo warbaahinta loo soo dusiyay.

Hoos ka aqriso qodobbada ugu muhiimsan ee nuxurka heshiiska kasoo baxaya;

1. In uu heshiisku socon doono muddo 10 sano ah.

2. Ilo dhaqaale oo dheeri ah oo caawin kara kobaca dhaqaalaha Soomaaliya.

3. Waxay fasaxday how-gallada cirka, dhulka iyo badda inay si wadajir ah u wada howlgalaan ciidamada Turkiga iyo Soomaaliya iyo mideynta shuruucda badda ee labada dal.

4. Qeyb kamid ah heshiiska Turkiga waxaa loo oggolaaday inuu difaaco madax-bannaanida dhuleed, cirka iyo xeebaha ee Soomaaliya ee aagagga gaarka ah ee dhaqaalaha iyo meelaha isku-xiran iyo in lala dagaallamo dalalka iyo kuwo hun-gureeya, iyo sidoo kale in laga hortago dhammaan noocyada falalka sharci-darrada ah, sida burcad-badeedda, argagixisada, kaluumeysiga sharci-darrada ah iyo daadinta walxaha qashinka nukliyeerka iyo shucaaca.

5. Waxa lagu heshiiyay in horumarinta warshadaha dhismaha maraakiibta iyo dhismaha dekedaha guud ahaan xeebaha Soomaaliya iyo dhismaha xarumaha hal dal kaliya iyo qaar wadajir ah iyo sameynta aagagga amniga Soomaaliya.

6. Taageeridda tababarrada, farsamada iyo qalabaynta ciidanka Soomaaliya.

7. Wuxuu caawinaya heshiiska habeynta iyo iswaafajinta sharciyada badda, maareynta kalluumaysiga iyo habeynta hagitaanka.

8. Waxaa lagu heshiiyay bixinta kaalmo farsamo oo ay ku jirto tababarida iyo qalabeynta ciidamada badda ee Soomaaliya sida maraakiibta dagaalka iyo doonyaha hubeysan ee dheeraya.

Si kastaba, heshiiskan ayaa hadal heyn badan dhaliyay, ayada oo siyaabo kala duwan loo faaqiday, wuxuna kusoo aadaya xilli ay xiisad xooggan Soomaaliya ay kala dhaxeyso Itoobiya, taasi oo salka ku haya damaca guracan ee badda.