Aqriso: SHARCIGA doodda badan dhaliyay ee BF uu ‘hab sharci darro ah’ ku ansixiyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka ayaa dhawaan lagu eedeeyay in uu hab sharci darro ah u ansixiyay hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, ayada oo xildhibaanada qaarkood ay si adag uga horyimaadeen meel-marinta sharcigaan.

Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, sida uu guddoonka Golaha Shacabka ku sheegay qoraal kasoo baxay 14-kii bishaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS ayaa cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay guddoonka Golaha.

“Haddaba iyada oo aheyd aqrintii labaad oo lixdameeyo Xildhibaan ay Golaha ku hareen, kooram sharci ansixin karaa aanu fadhiyin waxa uu guddoonkii shirka ku dhawaaqay in sharcigii Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman la ansixiyay, aqrin sadaxaad iyo kooram ku filan midna aan loo baahneyn,” ayuu yiri Xildhibaan Macallimuu oo kamid ah xildhibaanada sida weyn uga horyimid sharcigan.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa muuqata sharciyo kale oo badan oo hadda Golaha horyaalla oo liddi ku ah Dastuurka, Diinta iyo Qawaaniinta kale ee dalku leeyahay in waddadan ay mari doonaan.”

Haddaba, maxay tahay dooda ka taagan sharcigan ee keentay in xildhibaanada qaarkood si adag uga horyimaadan?

Hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman oo asagu ah mid lagu xakameynayo dhaqaalaha la-siiyo argagixisada, sida ay qabto wasaaradda soo gudbisay, ayaa waxa walaac laga muujiyay in loo adeegsado shaqsiyaad ama shirkado markaas dano gaar ah laga leeyahay.

“Marka qof ama hay’ad ay asteeyso wasaaradda Maaliyada ama Golaha Ammaanka ee QM, waa in islamarkiiba la xayiraa lacagta ama hantida shaqsiga la asteeyay,” ayuu dhigaya sharcigan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 4-aad.

Sidoo kale waxa uu sharcigan awood u siinaya wasaaradda Maaliyada iyo hay’addaha daba-galka iyo kormeerka inay geli karaan dhismo iyo meelkasta si ay u baaran, ula wareegaan ama nuqullo ugu sameeystaan dukumtiyo ama warbixino lagama maarmaan u ah ujeedooyinka asteeynta shaqsiyaadka, ayada oo markaas aan fasax haysan ama ogeysiin cid kale.

“Wasiirku waa inuu soo saara xeer-nidaamiye jideeynaya habraaca xayiraada hantida iyo lacagaha shaqsiyaadka iyo hay’addaha la asteeyay,” ayuu leeyahay sharcigaan cutubkiisa saddexaad, qoddobkiisa 6-aad, faqradiisa 3-aad.

Sharcigan ayaa sidoo kale dhigaya in shaqsiga ‘wada-hadal’ ka gali kara ama dib u eegis ku sameyn kara in xayiraad laga qaado shaqsi ama shirkad uu yahay wasiirka Maaliyada, ayada oo hindise-sharciyeedkan lagu xusay in maxkamadda sare ee dalka ay tahay marjaca go’aamada ka dasha sharcigan.

“Wasiirku waa in uu ogeysiiyaa hay’addaha daba-galka iyo kormeerka, xafiiska xeer ilaalinta guud ee qaranka iyo golaha amaanka, haddii ay wax iska beddelayaan xayiraadda lagu sameeyay lacagta ama hantida shaqsiyaad ama hay’ad horay hantidooda ama lacagtooda loo xayiray.”

Hindise-sharciyeedkan doodda dhaliyay, uuna meel-mariyay Golaha Shacabka ayaa waxay mataano yihiin sharciga ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada ee 2016-kii.