Arrimaha sababay isbedelka Somaliland iyo qodobada ay ku aqbashay shirkii Jabuuti

Jabuuti (Caasimada Online) – Qodobadii kasoo baxay shirkii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ee Jabuuti ayaa u muuqda kuwo wax badan kaga duwan wada-hadalladii hore ee labada dhinac.  

Maxamed Muqtaar Ibraahim, oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in kulankan ay gaareen yeesheen labada dhinac uu wax badan kaga duwan yahay kuwii hore, marka la fiiriyo xilliga uu ku soo aaday war-murtiyeedka kasoo baxay, sida loo qoray iyo qodobbada lagu heshiiyay.

Waxaa uu tilmaamay in war-murtiyeedka kasoo baxay shirka labada qodob ee ugu horreeya ay sheegayaan in laga wada hadallo arrimaha masiiriga ah, halka kulamadii hore kalsooni dhisida oo kali ah laga hadli jiray oo aan gudaha loo gali jirin arrimaha masiiriga ah. 

“Markii hore arrimaha amniga, siyaasadda gargaarka, iyo hawada waxaas oo kale ayaa laga hadli jiray, arrimaha masiiriga ah dib ayaa loo dhig jiray, sidaas ayuuna kaga duwan yahay kuwii hore,” ayuu yiri Maxamed Muqtaar Ibraahim. 

“Waxaa uu ku soo aaday kulanka iyo heshiiska xilli ka duwan daruufihii hore y u jiray, oo ay soo korortay arrinta Khaatumo, Soomaaliya oo laga qaaday cunqabateeynta hubka, waxaa laga cafiyay dayntii, Soomaaliya waxaa ay ku biirtay dalalka Bulshada Bariga Afrika, dhammaan waxaas oo dhan arrinta sameeyn ayay ku leeyihiin wada-hadalka iyo heshiiska,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. 

Waxaa uu sheegay in isbeddalka ka jira caalamka sida arrinta Badda Cas iyo dagaalka Gaza iyo gantaallada kooxad Xuutiyiinta ay sidoo kale yihiin waxa wada-hadalka sii xoojinaya.

Maxamed waxaa uu sheegay in Somalilnd markii ugu horreysay ay aqbashay in war-murtiyeedka lagu qoro erayga ‘Gobollada Waqooyi,’.

In wasiirrada arrimaha gudaha labada dhinac ay hoggaamiyaan oo ay saxiixan heshiiska, ayuu sheegay in ay tahay arrin kale taas oo muujinaysa in labada dhinac ay fahmeen in arrintu ay tahay mid gudaha ah.

Wuxuu rajo ka muujiyay in wada-hadalladan ay miro-dhali doonaan, marka la eego xaaladaha iyo duruufaha uu tilmaamay inay dalka ka jiraan.