Arrinta cadeyneysa in Xasan iyo Xamza daacad ka ahayn dooraasho qof iyo cod ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ee ahaa in xukuumadda ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah.

Xamza ayaa yiri “Annaga ma qarineyno, beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada. Qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray.”

Si kastaba, Thaabit ayaa soo bandhigay qodobo muujinaya in dowladda aysan dhab ka aheyn inay fuliso doorasho qof iyo cod ah, islamarkaana ay isku dayeyso muddo kordhin inay sameysato

Hoos ka aqriso qoraalka Thaabit.

Inaan teendhadii loo laaban waxaa daliil u noqon kara in Gobolka Banaadir laga qabto doorasho qof iyo cod oo xor iyo xalaal ah maadaama shacabka Muqdisho diyaar u yihiin doorasho xalaal ah.

Muddo kordhin 1 sanno ayaa loo sameeyay Dowlad Gobolleedyada, ujeedaduna aheyd qabashada doorasho qof iyo cod November 2024 iyo in Gobolka Banaadir laga qabto doorasho qof iyo cod Golaha Deegaanka iyo Duqa Muqdisho June 2024 oo bil kaliya ka harsan tahay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo kordhin kale miyaa u madlan mise 6 bil waa lagu qaban karaa doorasho qof iyo cod Dowlad Gobolleedyada?

Dowladda Federaalka waxay ummadda ka sugeysaa iney jiheyso doorashooyinka Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir maadaama lagu jiro xilligii loogu baahida badnaa go’aan masiiriya oo waaqaca dalka ka turjumi kara.