Arrinta keentay in siyaasiyiin badan ka baxaan xisbiga CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Illaa 19 xubnood ayaa ku dhawaaqay inay ka baxeen xubinimadii xisbiga Wadajir oo kamid ah asxaabta siyaasadeed ee kumeel-gaarka ah ee ka jirta Soomaaliya.

Xisbigan waxaa hoggaamiya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Doorashadii ugu dambeysay Warsame wuxuu keensaday 15 cod, maadaama la kala dooranayay shaqsiyaad oo aan xisbiyo la kala dooraneyn.

Wadajir xisbi ahaan waxay leeyihiin astaan ah dheelitir dowladeed. Xubnaha ku dhawaaqay inay xisbiga ka baxeen waxaa ku jira qaar dhawaan shaqooyin ka helay dowladda federaalka, xubno hore musharaxiin kale u dhisayay xilligii doorashada sida Xildhibaan Sanyare oo Saciid Deni dhisayay iyo qaar hore uga tagay xisbiga balse aan shaacin oo hadda qeyb ka ah liiska soo baxay.

Sheekadan waxaynu ku soo koobeyna sababta ay xubnahaan u baxeen, waxay xisbiga u dhimi karto iyo rejada xubnaha baxay ee nidaamka tallada haya.

1. Sababta: Xubnaha sheegay inay ka baxeen xisbiga Wadajir waxay sababta ku sheegeen arrimo u gaar ah, laakiin waxaa muuqata in xubnaha qaarkood go’aankan u qaateen dano ay ku qabaan dowladda hada jirta iyo inay diidan yihiin fikradaha hoggaamiyaha xisbiga ee ah in mararka qaar la iftiimiyo waxyaabaha ka qaldan dowladda hadda jirta, taas oo ay xubnaha u arkeen haddii ay sii socoto saameyn karto fursadaha ay hadda ka haystaan dowladda dhexe.

Xiriir aan la sameynay xubnaha ku haray xisbiga si aan u ogaano in xisbiga uu qaatay siyaasada ah in dowladda hadda jirta mucaaridnimo mutaxan lagala horyimaado iyada oo sanad jirin ayay beeniyeen, waxay sheegeen in marwalba mab’da xisbiga uu yahay in shacabka loo hadlo.

2. Maxay saameyn ah oo ku yeelan karta xisbiga Wadajir?

Soomaaliya hadda xisbiyada siyaasadda ma gaarin isku filnaansho, weli dalka kama jiraan xisbiyo rasmi ah oo dhamaan xisbiyada diiwaan-gashan waa ku-meel gaar, dadweynuhu weli xisbiyo ma kala dooran oo doorasho asxaab ah ma aanay dhicin.

Siyaasiyiinta waaweyn ee shacbiyada leh ayaa weli la kala xusha xilliga doorashada. Siyaasiyiinta aan sida weyn u muuqan iyo ganacsatadu waxay marwalba raadiyaan qof ay dhisaan oo xukun la yeeshaan, haddii ay waayan cidda adkaata ayay isku dayaan inay kula daartan, halka tartamayaasha muuqda ay sidooda usii taagnaadan illaa doorashada xigta.

Xisbiyadu hadda waxay u jiraan magac ahaan iyo madal ay ku kala warqaadan hoggaamiyaha iyo saaxiibadiisa ku fikirka ah ee raba inay madaxweyn u dhisaan, sidaas darteed liiska xubnaha habeen hore ka baxay xisbiga Wadajir si siyaasi ah iyo mustaqbaliyan-ba uma badna inay dhaawaceen xisbigan oo markii horeba boqolkii boqol ku tiirsanaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

3. Saameynta taban ee xubnaha ka baxay xisbiga Wadajir?

Xubnaha Wadajir ka baxay ee la sheegay in qaarkood raajicinayaan ku biirista UDP ee madaxweyne Xasan Sheekh culeys siyaasi ah ayaa horyaalla.

Inta la ogyahay xubno badan oo UDP ka tirsan ayaa ku qadsan dowladda hadda jirta oo qaar ay durba mucaaridnimo darbiyada la fadhiyaan.

Uma badna in xubnaha Wadajir ka yimid uu door shaqaalinimo ka badan kaga furan yahay dowladda hadda jirta.

Xasan Sheekh isku macno uma sameynayaan xubnihii wax kasoo dhistay iyo xubno hadda u yimid oo doodooda u weyn ay tahay waxaa diidnay oo xisbigeena uga soo baxnay in lagu mucaarado.

Sidoo kale dhaawaca dambe ee kooxdan kasoo baxday xisbiga Wadajir waa in berri xubnahaan loo arko rag haddii ay fursad yar helaan meel cidla ah uga tegi kara kooxda ay la joogan.