Awoodda la siiyay wasaarada arrimaha gudaha oo saameyn ku yeelanaysa 3 maamul

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa dhawaan heshiis ku kala saxiixday madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka Koonfur Galbeed, kaasi oo awood cusub siiyay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa kasoo dhex muuqday qoddob awood gaar ah siinaya wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, wuxuuna sheegaya in wasaarada ay yeelaneyso kaalinta dhaqan-gelinta heshiiskan lagu gaaray Baydhabo.

Qobkobka 2aad: Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan.”

Waxaa heshiiskan lagu muddeeyay doorashada xildhibaanada, guddoonka iyo madaxweynaha ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Fallanqeeyayaasha ayaa qaba in arrintan ay sidoo kale ka dhigan tahay in saamayn doonto doorashooyinka maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland oo dhamaantood la filayo in ay dhacaan labada sano ee soo socda gudahood, gaar ahaan inta uusan dhamaan muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

Puntland oo iyada lagu wado in doorasho ka dhacdo sanadka soo socda ayaa kal hore hoos u dhigtay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka, waxayna qabaan dadka ka faalloonaya arrintaan in qoddobkan qeybta ka ah heshiiska Baydhabo uusan saameyn ku yeelan doonin.

Sidoo kale, lama oga sida arrintani uga shaqeyn doono Jubbaland oo ayada sida la ogyahay marar badan oo hore ay suurta-gali weyday in dowladda dhexe ay fara-geliso doorashooyinka ka dhacayay.

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu talada dalka kusoo laabtay madaxweyne Xasan Sheekh in ay soo baxaysay saansaan xoogan oo muujineysa in wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta loo soo celinayo kaalinteedii luntay ee dowlad-goboleedyada dalka.

Axmed Fiqi oo ah wasiirka wasaaradan ayaa muddooyinkii dambe la arkayay isaga oo garoonka Muqdisho ku qaabilaya madaxda dowlad-goboleedyada ee markaas caasimada u taga shirka Golaha Wada-tashiga Qaran, taasi oo kor usii qaadeysa tuhunada ku xeeran qorshahaan, sida ay qabaan dadka ka faalloonaya arrintaan.