Axmed Madoobe oo wajahaya xujooyinkii ugu adkaa ee kursigiisa

Nairobi (Caasimada Online) – Hoggamiyaha muddada dheer haya xukunka maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa cadaadisyo waaweyn kala kulmaya soo celinta gacan ku haynta gobolka Gedo, oo ah gobol muhiim u ah maamulkiisa,  taasi oo wiiqi karta xil-hayntiisa maamulka iyo awoodiisa siyaasadeed xili uu maamulka cusub la wareegay hoggaanka waddanka taageera ee Kenya.

Fashilka uu kala kulmay isku dayo badan oo uu kula wareegi lahaa gacan ku heynta Gedo oo ilaa hadda ka maqan gacanta maamulkiisa ayaa wiiqi karta aragtida maamulka cusub ee Kenya ee ku aadan Axmed Madoobe.

Gobolka Gedo ayaa ah goob istaraatiiji ah oo muhiim ah, maadaama uu ku yaallo xuduudka Kenya, waxay gacan ku haynta gobolkaas muhiim u tahay maamulka Jubaland, wuxuu gobolka Gedo xudun u noqday khilaafkii daba dheeraaday ee u dhaxeeyay Jubaland iyo taliskii Farmaajo.

Haddaba, culeysyadani iyo kuwo kale, oo muddo soo jiitamayay oo heysta Axmed Madoobe oo muddo dheer xilka hayay, ayaa hadda u muuqda kuwo shaki galinaya sii joogistiisa madaxweyne ee maamulka Jubaland.

Cadaadiska uu wajahayo ayaa waxaa sabab u ah arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin mucaaradad badan oo kaga imanaysa dowladda Federaalka Soomaaliya, beelaha dega gobolka Gedo, iyo xitaa dad ka mid ah qabiilkiisa oo olole ka wada Nairobi. 

Xubnaha ku shiray Nairobi waxaa ka mid ah rag miisaan culus oo ku beel ah Axmed Madoobe, sida wasiir Oomaar iyo Cabdi Cali Raage, oo horey aad ugu dhowaa Axmed Madoobe.  

Sidoo kale culeysyada Axmed Madoobe ayaa sii kordhay kadib markii maamulka cusub ee Kenya uu isbeddel ku sameeyay siyaasaddiisa ku aadan Soomaaliya, isagoo la yimid qorshe ka duwan maamulkii hore Uhuru Kenyatta oo si buuxda u taageersanaa maamulka Axmed Madoobe.

Madaxweyne Ruto ayaa la sheegay inuu door-bidayo siyaasad ah inuu si toos ah ula macaamilo dowladda federaalka, islamarkaana uga dambeeyo arrimaha gudaha dalka, oo Jubaland ay ku jirto. 

Xeel-dheerayaasha siyaasadda gobolka ayaa aaminsan in haddii Axmed Madoobe uu ku guuleyean waayo in uu si hufan wax uga qabto caqabadahaas, oo uu dib u soo celin waayo gacan ku haynta gobolka Gedo, laga yaabo inuu wajaho cadaadis uu xilka uga degi karo, oo ka iman kara dhanka dowladda federaalka iyo xitaa Kenya. 

Sooyaalka maamulka Axmed Madoobe 

Jubaland waa maamul goboleed ka tirsan koonfurta Soomaaliya, wuxuuna xuduud la wadaagaa Kenya.

Kenya ayaa ah saaxiibka ugu muhiimsan ee Jubaland, waxayna door muhiim ah ka ciyaartay taageeridda xasiloonida amni iyo siyaasadeed ee gobolka.

Axmed Maxamed Islaam oo loo yaqaano Axmed Madoobe ayaa xilka hayay tan iyo sanadkii 2013-kii, waxaana muddadii uu xilka hayay uu xiriir dhow la lahaa dalka Kenya, waxa uuna dowladda Kenya ka helay taageero dhanka ciidamada ah iyo mid diblomaasiyadeed.

Taageeradaasi ayaa Axmrd Madoobe ka caawisay in uu awooddiisa kusi ballaariyo uuna adkeeyo xukunkiisa Jubaland iyo in uu ka hortago saamaynta ay ku yeeshaan qaybaha kale ee maamullada, sida dawladda faderaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee, saameynta isbeddalka dhanka hoggaanka ah ee dhawaan ka dhacay dalka Kenya, uu ku yeesho hogaamiyaha Jubaland ayaa si dhow isha loogu hayaa. 

Maamulka cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne William Ruto ayaa laga yaabaa inaysan u taageerin Madoobe sidii dowladii hore. Sababtuna waxay tahay in maamulka Ruto uu muujiyay rabitaan uu ku doonayo inuu hagaajiyo xiriirka kala dhaxeeya dowlada Soomaaliya, inkastoo xiligan uusan xiriirkooda uusan aad u wanaagsaneyn.

Waxaa intaas dheer in Madoobe uu sidoo kale wajahayo cadaadis uga imaanaya gudaha Jubaland. Waxaa jira walaac ay qabaan qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo kooxaha siyaasadda ku jira oo ku aadan in Madoobe uu ku milmay talada dalka, islamarkaana uusan ka jawaabin baahida shacabka. 

Waxaa kaloo jiray eedeymo musuqmaasuq iyo ku xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo uu hoggaaminayay, sidoo kale.

Arrimahaas oo is biirsaday ayaa la macno ah in aan la hubin in Axmed Madoobe uu sii ahaan doono hogaamiyaha Jubaland.