Baarlamaanka Jaamacadda Carabta oo si adag uga horyimid damacii Abiy Ahmed

Qaahira (Caasimada Online) – Baarlamaanka Jamaacadda Carabta oo bayaan culus soo saaray ayaa si kulul uga hadlay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan magaalada Addis Ababa ku kala saxiixdeen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa lagud diiday damaca ra’iisul wasaare Abiy Axmed ee ku aadan badda Soomaaliya, kaas oo dhalisay xiisad xoogan.

Baarlamaanka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo wadajirka iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyada oo sidoo kale la ixtiraamayo daris wanaagga.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay dowladda Itoobiya inay inay dhowrto shuruucda caalamiga ah, kuna dhaqanto wada nooshaha daris wanaagga,

”Baarlamaanka Jaamacadda Carabta waxa uu si cad uga soo horjeedaa in lagu xadgudbo Qaranimada iyo madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana Itoobiya ugu baaqaynaa in ay ilaaliso xeerarka caalamka kuna dhaqanto wada noolaashaha daris wanaagga, iyo ilaalinta qaranimadooda, waana in aanay faraha la galin arrimaha gudaha dalalka dariska la ah si gobolka xasiloonidiisa iyo amnigiisa loo xaqiijiyo” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale wuxuu bayaanka intaasi kusii daray in madax banaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid aan gorgortan laga gali karin, ayna qayb tahay amniga Qaranka Carabta.

Wuxuu sidoo kale Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ballan-qaaday inuu garab istaagayo dowladda Soomaaliya, si looga hortego damaca ay baddeeda ku rabto Itoobiya.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa Isniintii heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.