Bajaajleyda oo ka horyimid go’aankii maamulka gobolka Banaadir

Muqdisho (Caasimada Online) – Darawallada Bajaajleyda ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir ee labada qayb (A iyo B) loogu qaybinayo mootooyinka haatan ka shaqeeya caasimada.

Bajaajleyda oo u badan dhalinyaro ayaa la hadlay qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho waxayna sheegeen in go’aankan uu saameynayo shaqadooda maalinlaha ah, sida ay hadalka u dhigeen

Bajaajleyda ayaa ku dooday in ciriiriga ka jira caasimada ay keeneen dhagaxyada lagu jaray qaar kamid ah waddooyinka, ayna dalbanayaan in la qaado si xal loogu helo jaamka Muqdisho.

“Waxay rabaan 15 inay usoo baxdo Bajaajta nimankaas 5 bari oo kamid ahna waddadaa xiran meeshaas waxaa kasoo hareyo 10 beri. Qof nafle ah ayaa tahay waxaa laga yaabaa in maalin ama laba maalin aad jirato sideed bari ayaa soo hareysi, marka sidaas xal ma’aha” ayuu yiri mid kamid ah Bajaajleyda.

Waxa kale oo uu sii raaciyay “Ciddii dooneysa magaaladaan inay jaamka ka yareyso ha qaadaan dhagaxyada, hana geeyaan meesha magaalada looga baxo, kadibna talo kale ha keenaan”.

Darawal kale oo ka hadlay go’aanka maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaca ka qaaday in aysan suuragal ahayn in laba loo kala qaybiyo Bajaajta, wuxuuna sabab uga dhigay in dhalinyarada qaar ay kiro ku wadaan, halka kuwa kalena ay ka biishaan qoysaskooda.

“A iyo B wax suurageli karo ma’aha, waayo dadbaa waxay ku wadaan 10 dollar haddio baahasha ka xumeeyo macquul ma noqoneyso” ayuu yiri darawal kale.

Ugu dambeyn waxa ay wacad ku mareen Bajaajleyda in ay dhigi doonaan dibadbax balllaaran oo ay kusoo bandhigayaan cabashada ay ka qabaan go’aanka kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba, horay golaha wasiirada Soomaaliya ayaa usoo saaray go’aanno ka dhan ah Bajaajleyda, waxayna mamnuuceen soo dejinta mooto Bajaajta iyo mootada labada lug leh, waxaa sidoo kale goluhu soo jeediyay in la tirakoobo Bajaajyada ka shaqeeya Muqdisho.