CABDINUUR oo u jawaabay R/Wasaare Xamza: Teendhadu marnaba eed maleh

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku xigeenkii hore ee madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed, kana mid ah saaxibada madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo qoraal dheer soo saaray ayaa u jawaabay ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo shalay ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashada dalka.

Xamza oo Daahfuray Geeddi socodka Hirgelinta Hannaanka Dhab-u-Heshiin Qaran ayaa sheegay in aan mar kale dib loogu laaban doonin Teendhada Afisyoone, isla markaana xukuumaddiisa ay ka go’an tahay inay qabato doorasho dadweyne oo qof iyo cod ah.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray” ayuu khudbada ku yiri ra’iisul wasaaruhu.

Cabdinuur oo u jawaabay Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in Teendhadu aysan lahayn wax eed ah, balse haddii laga maarmayo ay haboon tahay.

Ninkan dhalinyarada ah ayaa ku dooday in xukuumadda uu hoggamiyo Xamza Cabdi Barre iyo guud ahaan dowladda federaalka aysan u diyaar garoobeyn doorashada ay afka ka sheegayaan, maadaama uu yiri aan laga shaqeyn doorashooyinkii golaha deegaanka, sidoo kalena aan weli lasoo magacaabin guddi doorasho oo heer qaran ah, sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

TEENDHADU MARNABA EED MALEH!

Hadalka Ra’iisul Wasaare Xamze ee uu saaka ballan qaaday inaan teendhadii habaarnayd lagu laaban doonin waa mid bogaadin iyo soo dhaweyn mudan. Hadalkaas wuxuu ka jeediyay isla teendhada Afisyoone iyo daahfurka shir cinwaankiisu ahaa dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay.

Balse waxaa is waydiin mudan maxaa tallaabooyin ah oo ay xukuumaddiisu qaaday si lagaga baaqsado teendhada, looguna dareero doorashooyin ka hufan kuwii dadbanaa?

Ku dhawaad labo sano oo uu maamulka Madaxweyne Xasan xafiiska fadhiyo, dalku guddi doorasho oo heer qaran ah maleh, goleyaal deegaan oo ay shacab doorteen marka laga reebo Puntland degmooyin kamid ah mooyaane ma jiraan (doorashadaas lafteedu Villa Soomaaliya waa diidanayd in la qabto), miisaaniyad doorasho oo qof iyo cod loo qabtay haba sheegin, sharciga xisbiyada wali lama bilaabin qabyo tirkiisa, siyaasad loo dhan yahay dalka kama hirgelin oo wataa Puntland loo joojin maayo hadal hayntu noqotay. Maamullada qaar doorashooyin ayay foolanayaan. Intaas jawaab maloo hayaa? Waa maya! Waqti lagu qaban karay hawlahaas dowladdu ma haysatay? Haa.

Mid waa hubaal ah. Qofna teendhada kuma tago jacayl uu u qabo. Balse, duruufaha ku gadaaman dowlad dhiska Soomaaliya oo ay ugu horreeyaan khilaafka dastuuriga ah iyo kan siyaasiga ah ee haatan jira ayaa ku arooriya madaxda kuraasta ku fadhida inay teendhada cagajiid ku tagaan.

Madaxweyne rabitaankiisa meeshaas ku tagay hore ayaa loo waayay ee teendhada hala waasiciyo, qaboojiyeyaal halagu sii xiro, kuraas salka u roon oo sacaado badan la fadhin karo halagu xiro, riinji iyo sharaxaad fiicanna halagu qurxiyo ama almiino dhisma wayn oo shub ah halaga dhigo haddiiba aan iyada la huri doonin.

Teendhadu marnaba eed maleh.