CALI YARE oo si lama filaan ah uga falceliyay DADAALKA Xasan Sheekh ee K/Galbeed

Muqdisho (Caasimada Online) -Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo qoraal soo saaray ayaa si lama filaan ah uga falceliyay booqashada uu madaxweynaha Soomaaliya ku tegay Baydhabo.

Cali Yare ayaa marka hore shaaciyay inuu soo dhaweynayo dadaallada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee xalka loogu raadinayo arrimaha ka taagan Koonfur Galbeed Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in ay tahay tallaabo odaynimo boggaadin mudan.

“Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud wuxuu waqti badan geliyay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka u dhexeeya maamulka Koonfur Galbeed iyo siyaasiyiinta deegaanka qaarkood. Waa tallaabo odaynimo leh oo boggaadin mudan,” ayuu yiri Cali Yare.

Dhanka kale Cali Yare ayaa is barbar dhig ku sameeyay xaaladda magaalada Baydhabo iyo mida Laascaanood, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay madaxweynuhu in waqtiga uu galiyay Koonfur Galbeed mid lamid ah in uu galiyo arrinta ka taagan Laascaanood.

Siyaasigan ayaa xusay in Baydhabo iyo Laascaanood ay yihiin labada deegaan oo uu madaxweyne u yahay, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaddiyadda Laascaanood ay la xiriirto midnimada dalka, loona baahan yahay in loo istaago arrintaasi.

“Waxaa iyana lagama maarmaan ah in Madaxweynuhu waqtiga uu Koonfur Galbeed galiyay mid lamid ah geliyo jahawareerka ka taagan gobollada waqooyi, si gaar ah magaalada Laascaanood oo ah qadiyad la xariirta MIDNIMADA DALKA, maadaama ay Badhabo iyo Laascaanood labaduba yihiin labo deegaan oo uu Madaxweyna u wada yahay Madaxweynuhu,” ayuu markale qoraalka ku yirid siyaasiga caanka ah ee Cali Yare Cali.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Jimcihii uu markii saddexaad uu Baydhabo booqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u tegay wejiga labaad  ee shirka dib u heshiisiinta maamulka koonfur Galbeed, kaas oo weli ka socda gudaha magaaladaasi.

Si kastaba, madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay uga hadlay arrinta Laascaanood, gaar ahaan xilliyadii ay socdeen rabshadaha, isaga oo ku baaqay in wadahadal lagu dhammeeyo xiisadda taagan, balse ma jiro wax tallaabo ah oo ay dowladda dhexe u qaaday dhankaasi.