Caro xooggan oo ka dhalatay shir uu Muqdisho uga qayb-galay safiirka ITOOBIYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Caro xoogan ayaa ka dhalatay kulankii ay dowladda Soomaaliya la yeelatay xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, kaas oo uu kasoo muuqday safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Danjire Mukhtaar Maxamed Waare.

Shirkaan oo wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ay isugu yeertay Danjirayaasha Beesha Caalamka ayaa waxay uga warbixisay xaaladda go’aanka Soomaaliya ee ku wajahan xad-gudubka Itoobiya ee madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sii-hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Cali Balcad ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in ay Danjireyaasha Caalamka ay gaarsiisay go’aanka dowladda ee ku aadan tallaabada xad-gudubka ah ee ay qaadday xukuumadda Addis Ababa.

Arrinta carada keentay ayaa ah in isla shirkan looga hadlayay xadgudubka Itoobiya uu fadhiyay safiirkeeda, taas oo dad badan ay ka falceliyeen.

Siyaasiga caanka ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa ka hadlay arrintan, wuxuuna sheegay in laga haboonaa in safiirka dalka uu sii joogo, kana soo dhex muuqdo shirkii looga hadlay xadgudubka dalkiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in xukuumadda ka gaabisay arrintan, wuxuuse baarlamaanka ugu baaqay inuu guto waajibaadkiisa shaqo.

“Ma ahayn in Safiirka Itoobiya uu weli dalka joogo, oo uu maanta dhex fadhiyo diblomaasiyiintii xadgudubka dalkiisa lagala hadlayey. Waxay ahayd in ugu yaraan dalkiisa loo diro. Haddii xukuumaddu xilkeedii gudan waysay, waa in Baarlamaanku waajibkiisa gutaa” ayuu ku yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Xildhibaanku.

Sidoo kale waxaa arrintan si caro leh uga hadlay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliya oo si adag uga falceliyay kasoo muuqasha kulankaas ee safiirka ee dowladda Itoobiya.

Cumar Xasan Salaad oo kamid ah dadka ka falceliyay ayaa sheegay in arrintan ay ceeb ku tahay Soomaaliya “Saxiix waa ku ceeb xukuumada uu Xamza hoggaamiyo” ayuu yiri.

Maxamed Cabdullaahi ayaa isna yiri “Waa arrin aad looga xumaado niyad jab wayn ku ah shacabka Soomaaliyeed sorry”.

Abdulqaadir Beddal ayaa isaguna ku jawaabay “War nimanku talo xumaa! Hadiiba waxa laga hadlayaa ay tahay arrinta itoobiya maxaa safiirkooda dhex fariisiyay shirka?”.

Dr. Cali Cadow wuxuu isna sheegay inay jirto dabacsanaan dowladda ah “Dabacsanaan baa jirta go’aamadii shalay iska soo daba baxayey in weli safiirki xabashidu na dhex fadhiyo isma keeneyso!”

Wiil kale oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamed ayaa isna shaki weyn ka muujiyay arrintan, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri “Qalaas sheekada waa la isla ogaa”.

Maxamed Daahir Guuleed wuxuu dhankiisa yiri “Sideedaba xiriirka dal kale kaala dhaxeeya inuu xumaaday waxaa lagu gartaa waa in safiirkooda dalka ka saartaa. Taas haddii aanay dhicin wax kale weeye xaajadu, safiirkooda inaad uga yeerto shirka aad uga dacwooneyso lama micneyn karayo”.