CC Shakuur oo dalbaday in BF looga yeero wasiirro ku kacay gabood fal loo gaystay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo qoraal soo saaray ayaa si weyn u cambaareeyay falkii lagula kacay Samira Gaid oo ahayd La-taliyihii mashruuca  y Midowga Yurub maalgeliyaan ee SJGAB, kadib markii la eryay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ka hor inta aan shaqada laga joojin gabadhan uu u hanjabay wasiirka Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Cabdirisaaq Maxamed Cumar, kadib qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter-ka), waxaana ku xigtay in shaqadii laga joojiyay Samira, kadib warqad ay soo saartay wasaaradda amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

“Waa ayaan darro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey” ayuu qoraalkii ku yiri xildhibaanku.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay xidhibaanka in baarlamaanka looga yeero wasiirka u hanjabay gabadha iyo kan ka joojiyay shaqada, si wax looga waydiiyo arrintaasi.

“Waxaan ugu baaqayaa Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirada gaboodfalka gaystay, waa haddii ay Golaha naf ku dhimantahay” ayuu mar kale yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame

Sababta Samira Gaid loo eryay ayaa la xiriirta qoraaladeeda siyaasadeed ee barta X (Twitter-ka), kuwaas oo lo arkay inay khilaafsan yihiin “madax bannaanida iyo dhex-dhexaadnimada” looga baahan yahay doorka latalinta sida lagu sheegay qoraalka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

Waa ayaan darro wayn in Wasiir ka tirsan xukuumadda uu bartiisa Twitter-ka ugu hanjabo muwaadinad Soomaaliyeed oo ra’yigeeda cabirtay, maalin ka dibna shaqo la talin ah oo mushaarkeeda ajnabi bixinayey laga cayriyey. Waa sariig la’aan in dadkii shalay ku eedayn jiray rajiimkii ka horreeyey in ay muwaadinka ku bartilmaamsadaan ra’yigiisa, ay maanta falkii oo kale ku kacaan.

Caddaalad dari ka xanuun badan ma laha in ruux aan si kale kaaga itaal roonayn uu magaca dowladda kuugu awood sheegto, gaar ahaan haweenka iyo beelaha loo tirada sheegto.

Waxaan ugu baaqayaa Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka ee Golaha Shacabka in uu arrinkan soo farageliyo, una yeero wasiirada gaboodfalka gaystay, waa haddii ay Golaha naf ku dhimantahay.

Bulshada Rayadka ah iyo Warbaahinta madaxabannaan waa in ay falkan canbaareeyaan, si uusan u noqon mid sii socda oo qof walba bawdkiisa ugu soo dhaca.

Caburrintu waa hubka ugu culus ee Rajiimka fulayga ee ka baqa ra’yiga kale, waa xeeladda lagu qariyo kalsooni darrida iyo karti xumida.

“Haddaan diintu qabanayn

Sharci kaa dabbaalayn

Dabar kaa celshaa jirin

Dalka maamulkiisii

Sida loogu dabar go’ay

Ninkii doonayoow maqal”.

Abwaan Cabdi Qays.