CC Shakuur oo shaaciyay habka keliya ee Soomaaliya uga adkaan karto Itoobiya

Muqdisho (Caasimadam Online) – Xildhibaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan xiisadda u dhexeysa dalalka  Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay heshiiskii badda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo jeediyay iyo sidoo kale hab la’isaga difaaci karo dowladda Itoobiya oo xadgudub u gaysatay madax bannaanida Soomaaliya.

Xildhibaana ayaa sheegay in go’aanka kasta oo la gaarayo ay muhiim tahay inuu kasoo baxo goleyaal rasmo ah, sidoo kalena laga fiirsado qaabka iyo goorta la jeedinayo.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go’aannadu ay golayaal rasmi ah ka soo baxaan, lagana fiirsadaa xilliga, qaabka iyo goobta laga  jeedinayo, qofkii ugu danbayn lahaana hadalka iyo go’aanka uusan noqon kan ugu  horreeya” ayuu yiri Xil. Cabdiraxmaan

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystiran:-

In dalka la difaaco waa masuuliyad wadareed iyo waajib qaran, laakiin qaabka lagu difaacayo waa in uu siyaasad, istiraatiijiyad iyo qorshe leeyahay. Tilaabooyinka la qaadayo waa in ay kala horreeyaan, mid kastana natiijadiisa laga gungaaro.

Waxaa kaloo lagama maarmaan ah in go’aannadu ay golayaal rasmi ah ka soo baxaan, lagana fiirsadaa xilliga, qaabka iyo goobta laga  jeedinayo, qofkii ugu danbayn lahaana hadalka iyo go’aanka uusan noqon kan ugu  horreeya.

Loollanka labada dal, Itoobiya mar walba waxay ka faa’iidaysan jirtay halka aan ka tabar yarnahay oo ah diblomaasiyadda, dan isku tolidda dawladaha kale iyo falcelinta qar iska tuurka ah. Waa in taariikhdu na waanisaa oo aan iska dhisnaa halkii aan ku taagta darnayn, tayaynaana halkii aan ku xooganayn.

Caqli-gal maaha in lagu socdo sidii uu xaalku ahaa ka hor inta ay Itoobiya ku soo xadgudbin gobonimadeenna.

Ilaa iyo haatana ma muuqato isbedel aragti, istiraatiijiyad iyo habdhaqan hoggaan oo la jaanqaadi kara marxaladda cusub. Hawshu waa in ay midnimo iyo muunad qaran yeelataa, xukuumaduna noqotaa mid difaac qaran, halgankana laga dhigo mid hiigsanaya himilo qaran.