CC Shakuur “Sax ma aheyn in Xasan uu tago Addis Ababa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa aad u dhaliilay safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo tilmaamay caqabado dhowr ah oo qabsan kara madaxweynaha.

Wuxuu sheegay in Xasan Sheekh uu khatar ugu jiro in la bahdilo oo Muuse Biixi uu tago Addis Ababa, isla markaana la dhaho ‘wajiga labaad ee heshiiska ayaan kala saxiixanay.’

“Itoobiya heshiis ma nihin, waxaan ogeyn inay ku soo xad-gudubtay qaranimadeena, madaxweynaha Soomaaliya ma aheyn inuu aado Addis Ababa, waxay ku habooneed inuu diro madax isaga ka hooseysa,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan ayaa ku doodaya in Itoobiya ay mudan tahay in xiriirkeeda hoos loo dhigo loona muujiyo, wuxuu sheegay in safiirkii Soomaaliya ee loo yeeray markii ay xiisadaan bilowga aheyd hadda dib loogu celiyey dalkii, balse aysan garaneyn sababta loogu celiyey.

“Madaxweynuhu inuu aado Itoobiya marnaba sax ma aheyn, waxay aheyd markii ay ugu yaraato in loo diro masuul ka socda wasaaradda arrimaha dibadda, hadii Abiy Axmed uu u yeero Muuse Biixi ee dhaho waxaan fulineynaa wajiga labaad ee heshiiska badda, madaxweynuhu wax uu sameyn karo malahan,” ayuu yir CC Shakuur.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Xiriirka dadka aad is heysaan waa inaad hoos u dhigto ilaa xad, si aad uga badbaado waji gabax aad la kulmi laheyd markii aad sidaan oo kale u booqaneyso wadan aad dagaashan tihiin.”

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in ra’iisul wasaarihii dalkaan uu shaqada ka maqan yahay, sidoo kalena uusan jirin wasiir arrimaha dibadda ku magacaaban, balse ku simaha ayuu sheegay in loo baahnaa in loo diro dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maanta ka degay Addis Ababa, isagoo sheegay in halkaas uu uga qeyb galayo ilaa seddax shir oo muhiim ah, balse siyaasiyiin iyo aqoonyahan badan oo Soomaaliyeed ayaa aad u dhaliilay go’aankaas, iyagoo qaba inay fiicneed in loo diro masuul hoose, si Itoobiya loogu muujiyo waji gabax ka dhashay damaceeda.