Cidda mudan lacagta ay ganacsatada Muqdisho ay siiso maleeshiyada Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka caqiidada ayaa iridaha furtay ayada oo Al-Shabaab la kulmayso diidmo Diini ah oo xoogan markii u horeysay.

Kadib markii ay kooxda xoojisay xasuuqeeda shacabka, oo ay soo bandhigtay falal argagax leh kuna faantay inay leysay dad Muslimiin ah ayaa culimada Soomaaliyeed billowday in aan intan ka badan Al-Shabaab lagu fiirsan gumaadka shacabka.

Waxay markii u horeysay culimada soo saareen go’aamo Diini ah oo dadka u jiheynaya inay iska difaacaan kooxda.

Muddo fog waxa Al-Shabaab la dirirayay ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaliya, laakiin maanta waxaa u bareeray qabaa’ilkii, culimadii, dhalinyaradii iyo saxaafadii.

Dagaalkan jihooyinka badan uga socda Al-Shabaab ayaa waxaa la saadaalinaya in uu xambaarsan yahay dhamaadka kooxda, wallow aan mudada la saadaalin karin.

Sheekh Cabdiqani Qorane oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee tobankii sanno ugu dambeysay diidana fikirka kooxda Al-Shabaab ay ku leynayso shacabka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay dadka weli xoolaha siinaya Shabaab inay joojiyaan.

Wuxuu ka dalbaday inay u leexiyaan cidda mudan oo ah “kuwa iska difaacaya ee raba inay dadka Soomaaliyeed ka dulqaadan culeyska iyo dhibaatada kooxda Al-Shabaab.”

Sheekh Mukhtaar Roobow, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo hogaaminaya fikirka Diiniga ah ee lagu wajahayo Shabaab ayaa waxa uu sheegay in dhawaan laga adkaanayo Al-Shabaab, isaga oo ugu yeeray inay Khawaarij yihiin.

Mukhtaar Roobow ayaa dadka weydiistay inay ciidanka dowladda la shaqeeyaan.

Dagaalka fikirka ah ee lala aaday Al-Shabaab ayaa la aaminsan yahay in uu wax badan ka tari doono qorshaha ay Soomaalidu iskaga saareyso Al-Shabaab.

Kooxda caadiyan ma jecla in fikir ahaan loola diriro sida ay sheegaan dadka daraaseeya dhaqanka kooxdan.