Cusman Abukar: “Waxaan halkan ku aragnay dad sidii argagixisadii Soomaaliya joogtay u dhaqmaya”

By Cabdishakuur Cilmi Xassan

Magaalada Zwolle, waxay ka mid tahay Magaalooyinka dalka Nederlands ee ay Soomaalidu deggan tahay, waxaana muddo dhowr iyo 20 sanno ah  ka dhisan Jaaliyad ay halkaasi ka hirgeliyeen mushtamaca Soomaalida ah ee dagan Magaaladaas iyo Magaalooyinka ku dhowdhow.

Jaaliyadda, waxaa muddo ka badan 12 sanno guddoomiye ka ahaa C/qaadir Cali oo loo yaqaan [Nuune] ahna aqoonyahan & ganacsade meherad ganacsi ku leh Magaaladaas.

C/Qaadir Nuune, dad badan oo Soomaali ah waxay ku tilmaamaan inuu yahay shaqsi leh karti dad isku-wadid ah, bisil, waddani ah, Soomaalidu isugu mid tahay, waqti iyo juhdi-na geliya inuu dadkiisa caawiyo.

2017-dii ayeey aheyd markii uu khilaaf ka dhex curtay guddigii Jaaliyada, uu sababay in Jaaliyadu ay 2 garab u kala jabto; garab uu hogaamiye C.qaadir Nuune & garab cusub oo guddoomiye u doortay Axmed Hayaan.


Axmed Hayaan, oo hogaamiye garabka cusub, wuxuu ka mid yahay dadkii jaaliyada aasaasay muddo dhowr iyo 20 sanno ka hor ah, haddana soo rogaal-celiyey,  marar badan wuxuu meel fagaare ah ka sheegay in uu ka mid ahaa dadkii Magaalada ku soo dhoweeyay C/qaadir Nuune qiyaastii 25 sanno ka hor, una arkay inuu yahay nin dhalinyaro ah oo firfircoon, una dhiibay xilka hogaaminta jaaliyadda, balse muddooyinkii u dambeeyey isaga & saaxiibadii ay ka joogi waayeen cabashooyin kaga imaanayay Gemeentiga, oo dacwad ka ahaa C/qaadir Nuune, taasina ay ku keliftay in ay soo farageliyaan howlaha Jaaliyadda.

Axmed Hayaan, inkastuu ka mid yahay dadka xurmada iyo maamuuska ku dhex leh Soomaalida dhexdeeda, haddana waa shaqsi dadka Soomaalida meel kasta ka difaaca, ilaaliyana sharafta & magaca Soomaalida. 

Cusmaan Abuukar oo ka mid ah xubnaha taageersan, lana shaqeeya Axmed Hayaan ayaa ka waraystay xaaladaha ka taagan jaaliyada dhexdeeda iyo sida xal loogu heli karo ismari-waaga jaaliyada dhexdeeda ka aloosan, waxaanna uu waraysigu u dhacay siddatan: 

SU’AAL: Halkee ayeey marayaan howlihii guddigiinu u hayay mushtamaca Soomaalida.? 

CUSMAAN: Howlaheenu si wanaagsan ayeey u socdaan, ilaa hadda xilkii na loo dhiibay kama seexan 100% waanu ku guuleysanay, waxyaabihii aan ku haminaynay inaan bulshadeena u qabano ILLAAHEEY waa nagu garab galay, haddeey tahay caawimaada aan u fidino caruurta ay waxbarashadu ku adag tahay iyo kuwa [huiswerk] laga caawiyo, haddeey tahay hooyooyinka iyo gabdhaha oo aan fursad u siinay goobo ay ku kulmi karaan mar walba, caruurta waxaan u qabanay macaliiin khibrad leh, maalin walba oo Axad ah ayaana caawinaa. Hadda waxaan billownay inaan caruurta barno luqadooda hooyo. Waxaan sidoo kale annaga oo kaashanayna iimaamyada masaajidadda Turkida & Surinaamta aan sameynay guddi Soomaali ah oo booqda dadka xanuunsan si ay u qur’aan saaraan, qofka haddeey tii ALLE u timaadana annaga aan aasano.

SU’AAL: Muxuu ku saleysan yahay khilaafka kala geeyey jaaliyadii Soomaalida ee ka dhisneyd Zwolle iyo nawaaxigeeda, khilaafkaas oo 2 daraf u kala qaybiyay  guddigii midnimada ku soo wada shaqaynayay muddo ka badan dhowr iyo 10 sanno.? 

CUSMAAN: Khilaafka wuxuu u dhexeeyey dad doonayay in ay ku maxaabsadaan kuna qaraabtaan magacii iyo sharaftii Soomaalida iyo dad diidanaa oo doonayay in dadka loo shaqeeyo ee aan laga shaqeysan, laguna danaysan. Nasiib wanaag kuwii markii hore innaga soo horjeeday maanta waxay garowsadeen wixii aan u sheegaynay. Weligiis waxba kama keenin Gemeente, waa kaase hala sheego wax uu Gemeente ka keenay.  Waxaan ku aragnay halkan dhaqan la mid ah kii argagixisada ee aan Soomaaliya uga soo tagnay, kaas oo ah; dad mas’uuliyad jaaliyadeed sheeganaya oo dadku ku handadaya  haddaad sidaan rabo ii yeeli waydo dowladda ayaa kugu dirayaa. Runtii way dhacday taas. Arrinta kale, ee khilaafka sii hurisay waxay ahayd; Project ayuu qortay magaceena ayuu soo geliyey, markaas ayaan ku niri, ka saar magaceena wuu naga diiday.

SU’AAL: Khilaafka ka dhextaagan 2da guddi ee Soomaalida ah, waxaa ku soo baxay Gemeentiga, halkaas oo 2da guddoomiye la isku soo hor fadhiisiyay, maxaa looga hadlay kulankaasi, mase na la wadaagi kartaa go’aannadii lagu gaaray.? 

CUSMAAN: C/qaadir Nuune, Soomaalida qaarkeed been waa u sheegi karaa, laakiin annaga kuma dhaco inuu been inoo sheego, Gemeentiga runta ayeey u sheegeen, annaga na jid cad ayaan iska marinay. Kuwii uu beenta u sheegayay ee uu lahaa Dugsi ayaa idiin furayaa iyo waxaas iyo waxaas ayaa idiin sameynayaa markii ay ogaadeen wixiisa in hadal un ay tahay annaga ayeey inoo yimaadeen. Arrinta kale ee wejiga gabaxa iyo ceebta ku ah isaga waxay tahay inaan maqalnay waalidiin inta uu guryahooda ugu tegay uu ku yiri: caruurtiina kala baxa dugsiga qur’aanka, taas aan u wanaagsanayn aaqiradiisa, waxaan kula talin lahaa inuu ka waantoobo dhaqankaas.

SU’AAL: Ma la oran karaa guddigan isaga oo muddo dheer soo shaqaynayay, wax badanna Soomaalida u qabtay, adinkuna aad magaalada dhinac ka dagan tihiin oo aydnaan Soomaalida  soo dhexgelin, ayaad maqasheen in Gemeentigu wax xoogaa dhaqaale ah ugu yaboohay jaaliyada Soomaalida, in markaa kaddib aad  damaaciseen inaad xilka Guddoomiyaha guddiga kala wareegtaan C/qaadir Nuune, oo marka ay timaado in Soomaalida wax loo qabanayo in dhinacaas uu isaga idin kaga horeeyo, doodaas maxaa ka jira.?

CUSMAAN: Annagu dan shaqsi ah ma doonayno, dadka guddigeena madaxda ka ah waa dad shaqooyin fiican haysta, waxa na soo dhaqaajiyey waxay tahay markii aan aragnay qof raba in magacii jaaliyadeena uu ka dhigo maqaaxi uu leeyahay, waxaan ku niri: ka joog, markii uu naga diidayna waa laga danaystay. Isaga oo xil haya iyo isaga oo shaqsi ah aan kala saarno, tusaale anigu haddii aan qof y tarjumo taasina ay qayb shaqadeyda ka tahay waxaan ahay qof shaqeysanaya, haddii se ay noqoto dhanka waxqabadka taasi jawaabteeda dadkaan u daynayaa. Hal tusaale ayaa ku siinayaa, waxaa jira dad inta uu yiri wax baan idiin qabanayaa, oo uu lugooyay beenna u sheegay oo annaga inoo yimid oo aan caawinay waxaa ka mid ah Raage, waad waraysan kartaa. Annagu inaan dadka caawino waajib ayaan u aragnaa, halka isugu hadduu dun iyo cirbad is geliyo uu leeyahay dad baan caawiyay.

SU’AAL: Magaaladani ma qaado karto 2 jaaliyadood oo is khilaafsan, marka loo eego tirada dadka Soomaalida ah ee dagan oo ah tiro koobban, ma kula talo jirtaan inta aad isu timaadaanm deetana xalisaan khilaafkiina.?

CUSMAAN: Taas 100 jeer ayaa la isku dayey, mana u arko wax qalad ah haddii la is fahmi waayo in la kala tago, teeda kale, annagu hadda Nuune uma aqoonsanin Guddoomiye jaaliyadeed ee waxaan u aqoonsanahay shaqsi ka mid ah Soomaalida Magaalada dagan.

SU’AAL: Waxaad la socotaa in tiro ahaan dadka Soomaalida ah ee degan Zwolle iyo nawaaxigeeda intooda badan  in ay taageersan yihiin C/qaadir Nuune, una arkaan qof dadka nugul caawiya, haddeey tahay in isbitaal la geeyo, lacagtiina wax walba u hura,  sow ma haboona inaad rabitaanka bulshada tixgelisaan oo aydnaan indha tirin.?

CUSMAAN: Maya, aniga ma qabo, dad badan oo waxa jira 2da dhinac aan kala raacsanay, oo doortay inay ka aamusaan. Teeda kale, anigu waxaan qabaa in ay jirto mar tiradu ay ka fiican tahay tayada  iyo waxqabadka. Tusaale, dhowr iyo 10 sanno ka badan  ayaa waqti gelineynaa sidii aan u caawin lahayn caruurta Soomaaliyeed iyo cid kasta oo u baahata in la caawiyo, annagu waxaan leenahay fayl ay ku qoran tahay cid kasta oo wax loo qabtay iyo taariikhda wixii aan soo qabanay, haddii ma sheegin aad caawinta u taqaan in qof loo tarjumo ama baabuur lagu qaado, guddigeenu waa guddi saldhig iyo meel loogu soo hagaago leh.

SU’AAL: Sideed u aragtaan marka 2 qof ama 2 koox oo Soomaali ah, iskuna khilaafsan masaaliixda dadkooda, oo ay ku dhici waayeen in ay meel uga soo wada jeestaan, in qof ajnabi ah u yeero, uuna dhexdhexaadiyo, ma u aragtaa in ay hoos u dhigayso qiyamka Soomaalida.?

CUSMAAN: Annaga dhinaceena waa isku daynay inaan la hadalno, haddii annagu aan is xalin waynay maxaa diidaya in na la xaliyo.? Dhowe jeer oo aan kulanay annagu waxaan ku niri arrimaha dhexdeena aan ka wadahadalno, wuu naga diiday, markii aan ajnabiga hor tagnay xittaa waak u celinay, asaga ayaa afkiisa ka yiri annagu isma xalin karnee, idinka na xaliya.

Annaga nalooma handadi karo sida dadka uu beenta u sheegayo kuma jirna sharciga isaga waan ka badinaa.

SU’AAL: Waxaa jirtay isku dayo badan oo lagu heshiisiinayo 2da guddoomiye ee jaaliyada, waxaa la leeyahay  dhinaciina ayaa diidan in xal laga gaaro khilaafka, weliba si shaqsi ah waxaa la leeyahay Cusmaan ayaa caqabad ku noqday haddii ba la heshiisiin lahaa, maxaad doodaasi kaga jawaabaysaa.?

CUSMAAN: Aniga maxaan diidi karaa guddi gaba kama tirsani, hadda aan kula hadlaayo shaqsi ahaan ayaa kuula hadlayaa, kuma hadli karo magaca Guddiga.