Daawo: Aabe 60 sano jir ah oo lagu dhex dilay saldhigga degmada Dharkenley

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil argagax leh oo saldhigga Dharkenley loogu geystay marxuum Xasan Cabdulle Maxamuud (Giriig) oo 60 jir ahaa, kaas oo sidoo kale caan ka ahaa ka ahaa xaafadda Kaawa Godey.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka lagu dhex-dilay saldhigga Booliska ee degmadaasi, kadib markii ay goobtiisa ganacsi kasoo wateen ciidamo ka tirsan booliska degmada.

Marxuumka ayaa dukaan yar ku lahaa xaafadda Kaawo Godey, halkaas oo ay ugu tageen askarta lagu eedeeyay dilkiisa, waxaana la sheegay in marka hore ay lacag weydiiyeen, markii uu ka dhaga adeegana ay jir dileen, sidoo kalena ay horay u kaxeysteen Aabahaasi.

Nin la dhashay marxuumka oo la hadlay Somali Cable ayaa sheegay in walaalkiis ay dileen ciidamo ka tirsan kuwa booliska ee saldhigga degmada Dharkenley, wuxuuna tilmaamay in markii ay wateen kadib ay soo waceen, ayna u sheegeen in walaalkiis uu dhintay.

“Walaalkey sandaqadaan ayuu baraf iyo cabitaan ku iibinaayay meeshaan ayay ugu yimaadeen way wateen, kadibna cimaamadii uu watay ayay indhaha uga xireen wayna jir dileen nus saac kadib ay isoo waceen waxayna i dheheen walaalkaa waa dhintay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Taliyaha ciidamada Dharkenley ayaa dilay, laakiin waxay igu dheheen maxaabiis ayaa dishay anne waa ka diiday waxaas, waayo maxaabiista bir ma heystaan nin xabsi ku jiro maanta muxuu dili karaa?”.

Dhankeeda gabar yar oo uu dhalay marxuumka ayaa si dareen leh uga hadashay dilka Aabaheed oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka.

“Qof muslim ah oo Aabihiis sidaas loo gelaayo ma fiirsan karo anne waan ka xumahay, maadaama aan aabahey wax u qaban karin” ayay iyaduna tiri marxuumka gabadhiisa.

Ugu dambeyn xaaska marxuumka oo iyaduna wareysi siisay Telefishinka Somali Cable ayaa sheegtay inuu ifka uga tegay afar carruur ah, waxayna sidoo kale baaq u diray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan laamaha amniga oo ka dalbatay cadaalad.

“Cadaalad ayaan u baahanahay ilmaheyga Aabahood afar carruur ah ayuu igaaga tegay, hadda qaboojiye ayuu ku jiraa, iyagana inkiraad ayay wadaan” ayey tiri xaaska.