Daawo: BF oo maanta qaaday tallaabadii ugu dambeysay ee wax ka beddelka dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada  labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga doodayo dhammeystirka doodka wax ka beddelka dastuurka.

Dhammaan xildhibaannada kulan xaadiray ayaa loo qaybiyay nuqulka kama dambeysta ah ee soo jeedina wax ka beddelka dastuurka oo haatan maraya marxladdii u dambeysay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo ay hareero fadhiyaan ku xigeenada labada Gole ayaa furay kulankan wadajirka oo ee looga hadlay marxaladda saddexaad dastuurka oo ay horay doodo uga soo yeesheen xildhibaanadu, gaar ahaan afarta cutub ee ugu horreysa.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ajendaha maanta uu yahay dhageysiga warbixinta guddiga dastuurka oo sharraxaad ka bixinayay qorshahood ku aadan dhameystirka dooda.

“Maanta howl muhiim ah ayaa inoo taallo, waxaana warbixin dhammeystiran ka dhageysaneynaa guddiga dastuurka ee labada Aqal” ayuu yiri Aadan Madoobe.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xildhibaanada Soomaaliyeed inay si wanaagsan u dhageystaan warbixinta, si ay kadib go’aan uga gaaraan ansixintiisa.

“Waxaan codsaneynaa in xildhibaanadi ay fadhiyaan si ay arrinta u ogaadaan, kadibna aan xog ogolaa u noqono” ayuu mar kale yiri guddoomiyuhu.

Sabtida soo socota ayaa la filayaa in baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyo wax ka beddelka, sida uu shaaciyay xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishkuur oo qoraal soo saaray.

Xildhibaanka ayaa sheegay in markii ugu horaysay taariikhda siyaasada Soomaaliya ay Sabtida dhici karto in xildhibaan uu u codeeyo baarlamaan aan madaxweyne dooranaynin, ra’iisul wasaarana xil ka qaadi karin.

“Waxaa la yaab leh in xitaa la aaamini waayey habraacii lagu muransanaa ee dib u eegista dastuurka. Madaxweynaha waxaa ku dheeraaday waqtiga lagu soo turxaan bixinayo doodaha xildhibaannada oo gaaraya in ka badan 1000 bog oo qoraal ah iyo la tashiyada 9-ka jiho, wuxuuna amray in meel-mariyo shan ajande oo labo ka mid ah uusan marna ka talaasuli doonin,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa, ayada oo weli xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreyaan Farmaajo, Shariif iyo madaxweyne Deni ayu diidan qorshaha Villa Somalia ee dastuurka.