Daawo: GUULEED oo weji cusub u yeelay xiisadda badda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo sidoo kale hadda ah ergeyga gaarka ah ee wada-hadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland ayaa ka hadlay xiisadda ka dhalatay heshiiska badda.

Guuleed oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa weji cusub u yeelay heshiiska Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, isaga oo uu tilmaamay in lagu fashilinayo wada-hadalladii ugu dambeeyay ee ay Muqdisho iyo Hargeysa dhowaan ku yeesheen waddanka Jabuuti.

Ergeyga ayaa tilmaamay in wada-hadallada ay ku billowdeen jawi deggan, balse saacado kadib uu soo baxay heshiiska badda oo abuuray xiisad horleh.

“Go’aannada soo baxay qodobka ugu muhiimsan wuxuu ahaa in arrimaha masiiriga ah ee labada dhinac in hoos loogu daadago in laga wada-hadlo, laakiin waxaa ayaan darro ah ayadoo qalinkii lagu qoray heshiiska uusan weli qaddii lagu qoray aysan qalalin oo 48 saac gudahood arrintaan kale MOU ee ay kala saxiixdeen Muuse Biixi iyo Abiy ay soo baxday” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in arrintaas ay la yaab ku noqotay, ayna baabi’isay natiijadii la filayay bil kadib, maadaama lagu ballamay in wada-hadallada lasii wado.

“Arrintaan waxaa annaga ay nagu noqotay filan waa, waxay nagu noqotay fajaciso, waxaana u aragnay inay tahay arrin lagu majaxaabinayo wada-hadallada iyo guulaha inay kasoo baxaan bil kadib la filayay inay natiijo kasoo baxdo” ayuu mar kale yiri Guuleed.

Cabdikariin Guuleed ayaa sidoo kale tilmaamay in ujeedada ka dambeysa damaca gurracan ee Itoobiya uu yahay mid lagu kala dhan-taallo midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaa kaloo u aragnay arrin Soomaaliya midnimadeeda iyo wadajirkeeda looga hor imaanayay iyo loogana hortegayay iskaashiga dadka Soomaaliyeed,”.

Waxaa kale oo uu yiri “Annaga jawi qurux badan kalgacal iyo walaalnimo uu ku jiro ayay ahayd wada-hadallada ay u dhaceen”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xiisad u dhexeyso Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka dhalatay heshiiska badda ee ay kowdii bishaan wada gaareen Muuse iyo Abiy Axmed.