Daawo: Cumar Cabdirashiid oo dalab xasaasi ah u diray guddoonka baarlamanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Universal ayaa mar kale si adag uga hadlay go’aanadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhowaan lagu soo gabagabeeyay xarunta Villa Soomaaliya ee magaaada Muqdisho.

Cumar Cabdirashiid ayaa mar kale ku celiyay diidmadiisa ku aadan heshiiska ay doorashada iyo nidaamka dalka goluhu ka gaareen, ayada oo ay maqan tahay Puntand,

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxda maamul goboleedyada wuxuuna tilmaamay in xilligan aysan laheyn fikir ay dadka ku metalaan, maadaama uu kasii dhammaanayo muddo xileedkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu ka horyimid nidaamka loo guurayo, gaar ahaan in xilligan dalka uu yeesho madaxweyne iyo ku xigeen, ayada oo meesha laga saarayo ra’iisul wasaaraha.

“Dad hadda waxaa jiraa ku dhaa federaal system aduunka madaxweynuu leeyahay iyo ku xigeen Mareykankaa kamid ah, annaga Mareykan ma nihin dad hadda dagaal ahli ah kasoo baxay ayaa nanay dal iyo State la dhisaayo ayaa nahay” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore.

Sidoo kale wuxuu farriin ku aadan heshiiskan u diray guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka isaga oo sheegay in looga baahan in marka hore ay dadweynaha siiyaan fursadooda, kadibna ay tahay in la ansixiyo, marka la arko taageerada shacabka.

‘Waxaan rabaa halkan inaan baaq uga diro guddoonka Baarlamaanka Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi labadaba in aysan ku deg degin arrintan, waxaa la rabaa inay hakiyaan baahashaan dib ugu celiyaan wadatashi bulshada rayidka, siyaasiyiinta. Bulsha taageerto marka la helo oo ku filan in baarlamaanka la horgeeyo,” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Sharmaa’arke ayaa xusay in haddii lagu deg dego go’aankan inuu dalka kala qaybsamayo, isla-markaana uu khilaaf horleh imaanayo, sida uu hadalka u dhigay.

“Haddii sidaan afduubka lagu geeyo Baarlamaanka ee lagu ansixixo dalka iyo dadka waa ku qaybsamayaa” ayuu mar kale wareysigan ku yiri ra’iisul wasaare hore  Cumar Cabdirashiid.