Daawo: Dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe oo looga dhowaaqay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Jubbaland ayaa go’aan culus ka gaaray in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu safar ku tago gobolka Gedo iyo inuu sii xukumo Jubaland.

Kulankaas oo Muqdisho lagu qabtay waxaa ka soo qeyb galay siyaasiyiin ay ka mid yihiin Senator Cabdullahi Fartaag iyo Sanetor Iftiin Baasto, waxaana lagu iclaamiyey dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah odayaashii ka soo qeyb galay kulanka ayaa sheegay in aysan suurta-geli doonin in Axmed Madoobe safar ku tago gobolka Gedo, iyagoo ku dhawaaqay in awood ciidan looga hor tago damaca madaxweynaha Jubbaland, sida ay hadalkooda u dhigeen.

“Axmed isku xishoo, umadda adigu ma lihid, waa fashilantay, Daarood oo dhan ayaa ku soo nacay, kuwii dad kuugu dhawaa ayaa Nairobi ku shiray oo ku diiday,” ayuu yiri Senator Fartaag.

Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa yiri, “Maalin kasta Axmed Madoobe wuxuu qorsheeyaa inuu Gedo aado, wuxuu ku haminayaa inuu maamul isaga taabacsan u magacaabo Gedo, waxaas been waaye Axmed, Gedo waa kaa xiran tahay, cid kaa wakil ah xitaa ma tegi karto.”

Senator Iftiin Baasto oo saaxiib dhow la ahaa Axmed Madoobe ayaa kulankaan ka sheegay in Axmed Madoobe fashilmay oo Jubbaland uusan sii hoggaami karin.

“Jubbaland qof hoggaamiya ma weyneyso eek a hor wareeg saaxiibkey Axmedow, waa lagaa soo cabtay, waxna waa qaban weysay, 12 sano kadib waan kugu qanci weynay ee Axmedow naga raali ahaaw,” ayuu yiri Senator Iftiin Baasto.

Dhankiisa, Senator Fartaag ayaa carrabka ku adkeeyey in muddo kororsi iska dhaafe aan Axmed Madoobe laga yeeli doonin in doorashada soo socota ee Jubbaland ka dhaceysa uusan door ku yeela doonin, maadaama labadii jeer ee dastuurku u ogolaa uu soo hoggaamiyey Jubaland.

Hoos ka daawo