DAAWO: DF oo shaacisay arrimo dhacay kahor warqadii xasaasiga ee QM loo qoray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin rasmi ah ka bixisay warqadii ay dhawaan u dirtay Qaramada Midoobey, taas oo ay ku dalbaneysay in wax laga bedelo howlgalka QM ee Soomaaliya, maadaama la gaaray xiligii Soomaaliya loo madax-baney lahaa arrimaheeda masiiriga ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo wareysi siiyey SNTV ayaa sheegay in go’aankaan uu daba joogay wadahadal rasmi ah oo dhex maray madaxweynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, 6 maalmood ka hor markii ay warqadaasi ka soo baxday wasaaradda arrimaha dibadda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Xoghayaha guud ee QM António Guterres ayaa isku afgartay in Xafiiska UNSOM uu noqdo mid arrimahiisa ammaanka iyo siyaasadda lagu aamino dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa isla gartay in shaqada xafiiskaan oo xil-saaro guddi ka soo shaqeynaya is bedelka la qorsheeyey in lagu sameeyo shaqadii uu xafiiskaasi ka hayey Soomaaliya, tan iyo burburkii dalka.

“Arrinta wax ka badalka xafiiska kaalmeynta QM ee Soomaaliya waxaa loo saari doonaa guddi ka kala socda labada dhinac, guddigaas ayaa diyaarinaya sidii uu isugu badali lahaa Country Office.” Ayuu yiri Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa dhammaadkii sannadkii hore ku guuleysatey in dalka deynta laga cafiyo, cunaqabateynta hubkana laga qaado, kadib markii la dhameystiray hannaankii barnaamijyadaasi looga baahnaa.

Waxaa dhanka kale haatan socda hannaanka soo afjarista Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo soo socday muddo ka badan 15 sanno, lana filayo in 31-ka December ee sannadkan 2024-ka la soo gabagabeeyo.

In laga guul gaaro hannaanka fulinta barnaamijyadan waxaa door weyn ka qaatey Hawlgalka Qaramada Midoobay, oo Soomaaliya garab taagnaa tan iyo markii ay colaadaha la dilaaceen Soomaaliya.

Maadaama ay Soomaaliya sameyneyso horumar dhinacyo badan leh ayaa Dib u Eegis ay sameysay Qaramada Midoobay laba sanno ka hor waxaa ku xusnaa in Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM loo rogo qaab joogitaan oo la mid ah waddamada kale ee caalamka, afka qalaadna lagu yiraahdo (Country Team).

Hannaankaasi ayaa haddii uu hirgalo waxaa uu Soomaaliya u jiheynayaa dhabbada dal caadi ah oo dimoqraadi ah oo si buuxda uga soo kabtey caqabadihii la soo gudboonaadey.

Haddaba Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo ka duuleysa natiijada Dib u Eegista Qaramada Midoobay ay sameysay ayaa dhowaan warqad lagu dalbanayo qaabka loo fullinayo barnaamijkaasi u dirtay Qaramada Midoobay.

Hoos ka daawo wareysiga Fiqi