Daawo: Diini “Siyaasadii markay ganacsi noqotay askartiina waxay noqdeen ganacsato”

Muqdisho (Caasimada Online) – Diini Maxamed Diini oo ka mid ah masuuliyiinta ururrada bulshada rayidka ayaa hal talo oo muhiim ah siiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo aad u dhaliilay xildhibaanada Soomaaliya.

Sidoo kale Diini wuxuu aad u weeraray masuuliyiinta ka tirsan dowladda ee xilalka loo dhiibay, kuwaas oo sida uu sheegay ay ku jiraan xubno ganacsato ah oo faa’iido doon ah.

“Siyaasiyiintii ayaa hadda ganacsato noqday, askartiina ganacsato ayey noqdeen, rasaastii iyo shidaalkii loogu dhiibay askarta in la iibsado ayay gaartay, yaa dalkaan u dagaalamaaya,” ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu kula talin lahaa in shaqada amniga qaranka wax aan aheyn uusan qaban, isla markaana uu aaminsan yahay in taas uu ku gaari karo mansabka ugu sareeya ee qof Soomaali ah uu gaaro.

“Madaxweynuhu dagaal ayuu bilaabay, natiijo fiican ayuu ka gaaray, anigu waxaan madaxweynaha kula tali lahaa, hadii shaqada amniga aad sidaas ku wado oo aadan ka mashquulin, waxaa ku gaari kartaa meel fiican oo aad taariikhda ku gasho,” ayuu yiri Diini.

Masuulkaan ururrada bulshada rayidka ayaa sheegay in labada sano ee u hartay madaxweynaha uu natiijo buuxda uga keeni karo howsha uga dhiman dhameystirka shaqada amniga, “ilaa hadda lama isticmaalin awooda shacabka, uma baahnid inaad shacabka adeejiso, waa inay iyagu is adeejiyaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Diini.

Sidoo kale Diini Maxamed Diini ayaa weeraray xildhibaanada, wuxuu sheegay in boqolaal kun ay si musuq ah ugu qaateen doorashooyinkii dhacay markii kursiga lasoo siiyey, hadana wuxuu sheegay in waxaba aysan qaban.

“Laaluushii ay soo qaateen ee boqolaalka kun ahaa ayaa lacag kale loogu sii daray, waxay dalkaan u qabtaan xildhibaanadu ma ii sheegi kartaa?” Ayuu yiri oo TV-ga Universal u waramay.

Hoos ka daawo