Daawo: Hooyo Somali ah iyo labadeeda gabar oo iibinaya kilyahooda kadib markii…

Hargeysa (Caasimada Online) – Hooyo Basro Haybe Xasan oo ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa maanta tegtay isbitaalka guud, si ayada iyo labadeeda gabdhood loogu sameeyo qaliin dhanka Kilyaha ah,kadibna usii iibsadaan.

Hooyadaan Soomaaliyeed ayaa soo bandhigtay dhibaato adag oo ay wajahayaan qoyskooda kadib markii wiil yar oo ay dhashay lagu xiray dalka Liibiya, isla markaana laga rabo lacag madax furasho ah oo aad u fara badan, taas oo ay sheegtay in qoys ahaan aysan awoodin.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in arrintaas darteed ay go’aansadeen inay iibiyaan Kilyahooda, balse uu ka diiday isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

“Saaka isbitaalka guud ee Hargeysa ayaan imid, waxaan ugu talagalay inaan labadeydaan hablood Kilyaha uga saaro inanka dabeedna aan ku furdaamiyo howshaas, laakiin isbitaalkii waa iga diiday, waxayna igu yiraahdeen howshaan lama geli karo” ayay tiri Hooyo Basro.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Labada gabdhood inaan qalo, xittaa aniga is qalo oo saddexdeena is qalno, kolba say u dhacdo ayaan diyaar u nahay, laakiin waa naga diideen”.

Hooyo Basro Haybe Xasan oo hadalkeeda sii wada ayaa ka hadashay xaaladda wiilkeeda, waxayna sheegtay in iyada oo muddo la’ayd uu dhowaan uu lasoo hadlay, isaga oo uu haysto Magafaha dalka Liibiya, isla markaana laga jabiyay labada lugood iyo gacmaha

“Inankaan muddo dheer ayuu iga maqnaa warkiisa waan la’aa, kii oo lugta laba meelood ka jaban, gacana ka jaban ayuu xero Liibiya jiifaa” ayay mar kale tiri Hooyo Basro Haybe.

Ugu dambeyn waxa farriin cod dheer ah u dirtay dadka Soomaaliyeed, ayadoo ka dalbatay inay soo caawiyaan, una gurmadaan wiilkeeda yar ee ku dhubaateysan dalka Liibiya.

“Islaamka Ilaahey waxaan ka codsanayaa inay isoo caawiyaan oo ilmahaas yar iigu soo naxariistaan” ayay Hooyo Basro Haybe Xasan kusoo gabagabeysa hadalkeeda.