Daawo: ILHAAN CUMAR oo wacad ku martay arrin culus kadib xad-gudubkii Ethiopia

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan golaha Congress-ka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay xad-gudubka Itoobiya ay kula kacday Soomaaliya, ee salka ku haya heshiis beenaadkii Addis Ababa.

Ilhaan oo arrintaan si adag uga hadashay ayaa sheegtay in xilligaan biyaha Soomaaliya aan la iska qaadan karin, ayada oo wacad ku martay in damaca Itoobiya uu suurta-gal noqoneyn inta ay joogto Congress-ka Mareykanka.

“Intaa aan anniga Congress-ka joogo badda Soomaaliya dad kale ma qaadanayaan,” ayey tiri Ilhaan oo sheegtay inay la dareen tahay bulshadeeda Soomaaliyeed, oo meel adag iska taagay damaca guracan ee Itoobiya.

Sidoo kale waxay tilmaamtay in dowladda Mareykanka uusan taageereyn in dal kale dhaco Soomaaliya, “Waddanka Mareykanka kuma taageerayo dad kale in ay annaga na dhacaan, marka taas ka seexda.”

Waxay intaas kusii dartay “Gabadhii aad Congress-ka u dirsateen way idinka war heysaa, sida idinka u dareemaysiin dantaas ayey u dareemaysaa.”

Sidoo kale waxay bogaadisay go’aanka adag ee dowladda federaalka ay ka qaadatay arrintaasi, ayada oo shacabka Soomaaliyeed ku ammaantay sidii ay uga fal-celiyeen damaca gurraca ee Itoobiya, islamarkaana ugu baaqaday inay u midoobaan oo ay garab istagaan dowladooda

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxa aan leenahay waan kuugu faraxsannahay, shaqada fiican ee aad qabatay, oo dadka Soomaaliyeed aad dareensiisay. Si kasta aan annaga u dhibannahay Soomaali haddii aan nahay, waxa aan nahay dad karti leh dad waddankooda aqoonsan, dad waligood dalkooda khatar laga galin karin.”

Hoos ka daawo muuqaalka