Daawo: Jubbaland oo abaal-marisay askari ay Shabaab ka dalbadeen inuu dilo taliyihiisa

Afmadow (Caasimada Online) – Magaalada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta lagu abaal-mariyey askari ka tirsan Daraawiishta Jubbaland oo kooxda Al-Shabaab ay ka dalbadeen inuu soo dilo taliyihiisa.

Askarigaas waxaa lagu magacaabo Weli Nuur Dhuubow, waxaa la soo xiriirtay kooxda Al-Shabaab, waxayna ka dalbadeen inuu soo qarxiyo taliyaha daraawiishta Jubbaland ee degmada Afmadow.

Askariga ayaa kooxda Al-Shabaab la jilay dhagartii ay u maleegayeen taliyaha, dhanka kalena wuxuu toos ula wadaagayey arrintaan taliyaha loo qorsheynayey dilka.

Labo miino ayey kooxdu u soo dhiibtay askariga, waxayna ka dalbadeen inuu u dhigo taliyaha daraawiishta Jubbaland ee Afmadow, balse askarigii ayaa heshiiska uga baxay kooxda.

Meel fagaare ah ayaa maanta lagu qarxiyey labadii miino ee kooxdu qorsheysay in Taliyaha lagu dilo, isla goobtiina waxaa lagu abaal-mariyey askarigii fashiliyey dhagartaas.

5,000 oo dollar ayaa fagaare ku yaalla Afmadow lagu guddoonsiiyey dable daraawiishta Jubbaland Weli Dhuubow, oo ku guuleystay inuu qiyaamo Al-Shabaab.

Taliyihii loo qorsheeyey dilkaas oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in askarigaas uu yahay geesi mudan in lagu daydo, isagoo cadeeyey in xogta uu si toos ah uga helayey askariga, iyadoo ugu dambeyntii uu keenay qaraxyadii ay Shabaab u soo dhiibeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ku khasaartay dhagartaas ay doonayeen inay ku qaarajiyaan taliyaha ciidanka daraawiishta Jubbaland, waxaana abaal-marino kale loo balan-qaaday askari kasta oo sidaan oo kale u fashiliya dhagarta Al-Shabaab.

Hoos ka daawo