Daawo: Koofi oo shaaca ka qaaday ujeed laga leeyahay dagaalka musuq-maasuqa

Muqdisho (Caasimada Online) – Korneel Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo ah agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Caalamiga ah ee Universal ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka ka dhanka ah Musuq-maasuqa ee ay haatan billowday dowladda federaallkaSoomaaliya.

Koonfi ayaa kamid ah mas’uuliyiinta lasoo eedeeyay ayaa shaaca ka qaaday in ujeed gaar ah laga yeelay qorshaha dowladda ee ku aadan la dagaalanka Musuq-maasuqa.

Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka ayaa xusay in la doonayo kaliya in la ceebeeyo dowladdii hore ee uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

“Arrintan sida loo dhigayo marka la fiiriyo ama ayn u socoto iyo faragelinta, qaylada iyo buuqa waxa ka daba furan markaad aragtid waxay u muuqaneysaa arrin laga yaabo in ujeedooyin gaar ah laga leeyahay” ayuu yiri Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaa suuragal ah oo ii muuqaneyso in ujeedka uu yahay in dowladdii hore oo dowladdan ka horreysay ay tahay wax loogu talagalay in lagu ceebeeyo”.

Maxamed Aadan Koofi intaasi kusii daray haddii uu dhab yahay dagaalkan in loo baahan yahay in baaritaanka laga soo bilaabo muddo xileedkii 2012-kii oo uu tilmaamay inuu jiray khaladaad badan, isla-markaana la dhacay xoolo dadweyne, sida uu hadalka u dhigay.

“Sababta waxaa waayay ragga hadda xukunka jooga markii ay joogeen 2012, illaa 2017-kii dalka daqliga waxaa lagu uruurin jiray baco iyo jawaanno, waxaana lagu qaadi jiray meelo kala duwan, ayada oo hay’ado kala duwan ay uruurin jireen” ayuu mar kale yiri Mr. Koofi.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay haddii la doonaya xaqiiqada dhabta ah in dib u eegis lagu sameeyo systemka la sameeyay oo uu tilmaamay in wax kasta lagu ogaan karo, balse waxa uu carabka ku goday in dano siyaasadeed iyo kuwa gaar ahaaneed intabal aga leeyahay arrintan, isla-markaana lagun beegsanayo shaqsiyaad gaar ah.