Daawo: Maamulka Gobolka oo soo xiray shirkado arrin yaab leh ka billaabay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in lasoo xiray raggii lahaa shirkado ay si weyn uga cabteen dadka iska leh Mootooyinka Bajaaj-ta ah ee Muqdisho ka shaqeeya.

Wadayaasha Mooto Bajaaj-ta ee ka shaqeysta Muqdisho ayaa maalmahaan ka cabanayey shirkado ka qaadanaya lacag dhan $27 oo loogu sheegay inay tahay mid bille ah oo loogu magac-daray ‘badqabka mootada.’

Afhayeenka maamulka gobolka Saalax Xasan Cumar oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa xaqiijiyey in lasoo xiray raggii lahaa shirkadahaas oo ku shaqeynayey sharci darro.

Wuxuu sheegay in maamulka gobolka uusan waxaba ka ogeyn lacagaha ay mootooyinka ku soo rogeen shirkadahaas is kaashaday, isagoo ku goodiyey in tallaabo adag laga qaadayo xubnaha lagu soo qabtay falkaan.

Afhayeenka ayaa sheegay in amarka lagu soo xiray raggaan uu bixiyey guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale, isagoo farriin u diray dhalinyarada ku shaqeysata mootooyinka.

Madaale ayaa ugu horeyn u mahad celiyey dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta, kuwaas oo sida uu sheegay u hoggaansamay amaradii maamulka, sidoo kale wuxuu u cadeeyey in maamulka gobolka uusan wax shaqo ah ku laheyn lacagtaan dambe ee lagu soo rogay.

Sidoo kale Guddoomiye Madaale wuxuu Bajaaj-leyda u sheegay in aysan bixin lacago aan aheyn canshuurta sharciga ah, isla markaana ay ku soo war geliyaan maamulkiisa wixii culeys ah ee soo wajaha.

“Maamulka gobolka Banaadir wuxuu cadeynayaa in wax shaqo ah uusan ku laheyn lacagahaas laga qaaday Mootooyinka, wuxuu laamaha amniga faray in laga jawaabo cabashada soo yeertay, waxaana shalay lagu guuleystay in lasoo xiro raggii lahaa shirkadaha lacagaha ka qaadanayey mootaaleyda,” ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo