MADAALE oo galay kalaab ku yaallo LIIDO, kadibna sameeyay arrin yaab leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho,Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo xalay hoggaaminayay howlgal ka dhacay xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ayaa gudaha u galay mid kamid ah kalaabyada ku yaalla halkaasi xilli ay ku sugnaayeen dhalinyaro badan oo rag & dumar leh.

Duqa Muqdisho ayaa marka uu gudaha u galay goobtaas oo lagu caaweynayay garaacay wiilal & gabdho ku jiray kalaabka, kuwaas oo la sheegay inay isticmaalayeen maandooriye.

Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo Wariyeyaasha kula hadlay goobta ayaa sheegay in arrin aan la aqbali karin ay tahay wax ka socdo xeebta Liido, isaga oo shaaciyay in gacmaha ay ula tageen dhalinyaradii ku sugnaa halkaasi, isaga oo uu tilmaamay in qaarkood ay cabsanayeen, ayna isku dayeen inay la dagaalamaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhalinyarada qaarkood waxay isku dayeen illeen waa cabsan yihiinee inay nala dagaalaan ayay isku dayeen, waxaan ilaalinay xabad, waxaan adeegsanay gacmaheena” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in dhaliyaradaas qaarkood la xiray, halka kuwa kalena lasii daayay, kadib markii ay u sameeyen la-talin guud.

“Dhalinyarada qaar badan waan la talinay, qaarna xabsiga ayaan geynay waaga marka uu beryo ayaana waalidoontooda lagu wareejin doonaa,” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale, guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho oo hadalkiisa sii wata ayaa albaabada isugu dhuftay dhammaan goobaha kalaabyada ee ku yaalla Muqdisho, wuxuuna shaaca ka qaaday in aan la furi karin wixii haatan ka dambeeyo.

“Laga bilaabo caawa goobahaas iyo kuwa la midka ah waa xiran yihiin, mana la furi karo, sidoo kale magaalada Muqdisho goobaha kalaabyada ay ku yaallaan ee Ummadda iyo dhalinyarada lagu fasahaadinaayo kulli waa xiran yihiin, ciddii furtaana iyadaa mas’uul ka ah” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socdo howlgallo lagula dagaalamayo maan-dooriyaha, burcadda hubeysan & ciyaal-weerada dhibaatada ku haya shacabka caasimada.