Daawo: Madaale oo weeraray musharaxiintii hore oo diidan qorshe ka socda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale ayaa maanta warbaahinta kula hadlay banaanka hore ee xarunta golaha shacabka ayaa weerar afka ah ku qaaday musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee balan-qaadi jirtay inay ‘Dastuurka dhameystiri doonaan’ balse hadda diidan in dastuurka laga shaqeeyo oo la dhameystiro, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan la yaabanahay musharax ma guuleyste ah oo aan la ogeyn goor uu guuleysa doono inuu shaqada dabada ku dheganaado oo yiraahdo maya dastuurka lama dhameystirayo, markii uu nala hadlayana uu dhaho waxaan dhameystiri doonaa dastuurka, goorma ayuu dhameystirmayaa dastuurka dalkaan?” Ayuu yiri Madaale.

Madaale ayaa sheegay in musharaxiintu ay saneeyaan balanqaad, tani ay muujineyso in aysan daacad ka aheyn balan-qaadyada ay sameeyaan markii ay doonayaan in la doorto, isagoo tusaale u soo qaatay musharaxiintii balan-qaadeysay inay dastuurka ka shaqey doonaan, balse maanta diidan in laga shaqeeyo, si loo dhameystiro.

“Dastuurkaan kolba cid ayaa dhameystiri laheyd, wuxuuna waajib ka saaran yahay qoladii markaas talada heysa,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaale.

Madaale ayaa maanta looga yeeray kulanka baarlamaanka, wuxuuna hadalkaan jeediyey markii uu banaanka u soo baxay isagoo farriin u diray baarlamaankaan 11-aad ee dalka.

“Baarlamaanka hadda tallaabo ayuu qaaday, waxaana ku dhiirigelineynaa inta hartay inay dhameytiraan oo shaqada dastuurka ay iska soo gabagabeeyaan, inaan dastuur ku meel gaar ah ku sii dhaqano suurtagal maaha,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaale.

Guddoomiye Madaale ayaa baarlamaanka xusuusiyey in masuuliyadda ugu weyn ay ayaga saaran tahay, isla markaana shacabka Soomaaliyeed ay ayaga sugayaan.

“Sida uu hadda baarlamaanku ugu guuleystay meel marinta sharciyo muhiim ahaa oo fududeeyey in cunaqabateyntii hubka nagala qaado, waxaan ka codsaneynaa inay uga shaqeeyaan dastuurka oo dhameystiraan sharciyadeena ku meel gaarka ah,” ayuu yiri Guddoomiye Madaale.

Hoos ka daawo