Daawo: War cusub oo kasoo kordhay kiiska Luul C/casiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) oo xalay ka qayb-galay afu wadareed lagu sameeyay degmada Dharkenley ayaa war cusub kasoo saaray kiiska xasaasiga ah ee Luul Cabdicasiis.

Macallin Mahdi oo kulanka afurka ah ka jeediyay khudbad ayaa soo hadal qaaday kiiska marxuumadda, waxaana goobta ku sugnaa aabaheed iyo carruurteeda.

Taliyaha ayaa sheegay inay is wareysteen aabe Cabdicasiis, uuna u sheegay in maanta ay uga duwan tahay kulankoodii hore oo ay is arkayeen, maadaama la xukumay Sayid Cali.

“Waxaa dadka halkan jooga ee reer Dharkenley ee xafladdan kasoo qayb-galay Luul Cabdicasiis Aabaheed iyo carruurteeda sharaf ayay noo tahay inaan maanta aragno maalintii ugu dambeysay sida ay ahaayeen si ka duwan ah runtii” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wyuxuu intaasi ku daray in laamaha amniga iyo maamulka gobolka oo is kaashanayo ay ka dhabeeyeen ballan qaadkoodii ahaa in lasoo qabanayo Sayid Cali.

“Aniga, guddoomiyaha iyo saraakiisha kale dhammaan waxaan u ballan qaadnay in ninkaa lasoo qaban doono meesha uu tagaba, waana lasoo qabtay” ayuu sii raaciyay.

Generaal Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qoyska uu mar kale dalbadeen in marka la tooganayo xukunsanaha oo hadda racfaan qaatay in la tuso marka tiirka la geynayo, si ay u hubiyaan inuu isaga yahay iyo in kale.

“Waxa ay yiraahdeen waxaa sugeynaa hadda in tiirka la geeyo, maalinta la gaynaayana in Sayid Cali uu yahay inuu qof kale yahay inaan iska hubino ayaan rabnaa, marka waa ilaahey mahadiis” ayuu mar kale yiri taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan la aasay marxuumad Luul Cabdicasiis oo mudd bil ah ku jirtay firinjeer, kadib markii la xukumay seygeeda oo ku lagu helay gubideeda.