Daawo: Xaadoole oo weerar culus ku qaaday Guudlaawe, dalab u diray Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xildhibaan Cismaan Xaadoole oo kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa weerar culus ku qaaday Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo uu ku eedeeyay inuu indhaha ka fiirsanayo dagaal beeleed ka taagan qeybo kamid ah maamulkaas.

“Cali Guudlaawe Galmaax ma rabyo, in dhigooda daato, dhulkooda la qaato oo dhaxdooda isdilaan ayuu rabaa, laakiin maanta waxaan u sheegayaa Galmaax maanta kadib kuma rabo anaana xildhibaan u ah, dhaqaalaha iska guro, marka ay dadkaada [kuwa kugu jufada hoose ah] isdilaan u gurmo kuwaanna ka aamus waa arrin aan la isaga hari doonin waa boog kugu taallo,” ayuu yiri.

Xaadoole ayaa waxa uu sheegay in Cali Guudlaawe uu isku soo koobay maamulka HirShabelle, uuna ku fashilmay isku wadka dadka, “Meeshaas maamul kama jiro nin hunguri doon ah ayaa jooga oo aan kala jeclayn dhibaatada deegaanka ka jirta.”

“Guddoomiyaha degmada iyo kan gobolka hadda la hadasho waxay ku leeyihiin baabuurka shidaal kuma shuban karo, oo ma hayo wax aan wax ku qabto, dadkaas ayaa loo baahan yahay inay wax qabtaan. Maanta haddii hal dollar la rabo Cali Guudlaawe uu la hadlaa, waxaana wax iska indho tirayo waaye oo waxba laga sugi maayo.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay qaar kamid ah wasiiradda maamulka HirShabeelle inay qeyb ka yihiin dagaal beeleedyada ka taagan maamulkaasi, wallow uusan si gaar ah u xusin, isaga oo dalbaday in aan lagu haleyn mas’uuliyiinta maamulkaasi oo ugu sareeyo madaxweyne Cali Guudlaawe.

“Dad mas’uul sheeganayo in aan hebel dhaho ma rabo ee aan la fadhisitay oo dhahay waa in sharciga la horkeeno dadka falka geystay in sharciga la horkeeno oo lasoo qabto, marka ku kala tagnay meesha waxa uu sameeyay, Xasan Gaab oo dhan ayaa magaalada laga waayay, in ka carar camal meesha uu dhahay ayaa u qaadanay,” ayuu yiri.

Xildhibaan Xaadoole ayaa ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya inay sida ugu dhaqsaha badan soo fara-geliyaan waxa ka socda maamulka HirShabeelle, si nabad loogu soo dabaalo beelaha ku dagaalamaya halkaasi.