Daawo Xasan: Dunida si aysan uga qoomameyn go’ankii taariikhiga ahaa waa in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho uga qeyb-galay munaasabadda guusha taariikhiga ah ee qaadista cuna-qabateynta hubka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in madaxda Soomaalida laga rabo in ay masuuliyad iska saaran sidii looga soo bixi lahaa masuuliyadaha ka dhalanaya qaadista cuna-qabateynta.

Waxa uu ka dhawaajiyay in uusan dooneyn in berri aduunyadda ay ka qoomameyso in cuna-qabateynta hubka laga qaado, islamarkaana dunida tusna in ay ku saxnaayeen go’aankii 1-da bishaan December 2023.

“Qaadista cuna-qabateynta waxaa ka dhalatay masuuliyad cusub, dowladda Soomaaliya waxay yeelan doonta hay’addo cusub oo hadda dhalanaya oo waxay yeelan doonta madax cusub oo kale oo lakabyad dowladda kala duwan oo dhan, oo masuul ka noqon doon in maanta meesha ay joogaan kasii qurxiyaan habka maamulka hubka iyo rasaasta,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Ma dooneyno in berri aduunyada ka qoomameyso oo nala yiraahdo maxaa kuwan cuna-qabateynta hubka looga qaaday, waxaa rabna aduunyada in berri tiraahdo in Soomaaliya cuna-qabateynta hubka laga qaado sax ayay aheyd.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab ay qeyb ka tahay guusha maanta loo dabaal-degayo, ayna tahay in la sii xoojiyo dagaalkooda, maadaama uu yahay dagaalka dowladda iyo shacabka oo dhan.

“Dalka wuxuu u baahan dowlad mideysan oo leh awood, khibrad iyo waayo aragnimo ay wax ku qabato. Xukuumadda Dan-Qaran ee maanta dalka ka jirta waa xukuumad isku duuban oo wada socota,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Qof dhameystiran ma jiro meelo aan ka dhimanahay waan leenahay laakiin waxa qaba meelaha ducfiga ku leenahay waa meelo yar, oo waxa ka ballaaran meelaha xoogga, awooda iyo kartida ku leenahay.”

1-dii bishaan ayay aheyd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u codeeyay in cuna-qabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, kadib 31 sano oo dalkaan ay saareyd cuna-qabateyntaas.

Go’aankaan ayaa waxa uu muhiimad weyn u leeyahay barnaamijyada dowladda federaalka Soomaaliya ee sugidda amniga, xasillinta iyo xoojinta dowladnimada curdanka ah.

Hoos ka daawo