Daawo: Madaxweyne Xasan oo dadka Soomaaliyeed ka codsaday hal arrin oo culus

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka madaxtooyada ayaa dadka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay isku tanaasulaan, isku dulqaataan, isna kaashadaan.

Wuxuu tusaale u soo qaatay taageerada caalamku uu siiyo Soomaalida, sida deyn cafinta, qaadista cunaqabateyntii hubka iyo kabka miisaaniyadda, intaas oo taageero ah iyadoo dadkeenu ay ka helaan dad shisheeye ah wuxuu sheegay Madaxweynuhu in hadana siyaasiyiinta iyo dadka qaar ay wax kasta oo dan-guud ah hordhigayaan xujo ah “la ilama tashan.”

Madaxweynuhu wuxuu dadkiisa Soomaaliyeed ka dalbaday in aysan juhdinku bixin wax aan waxaba u tareyn, sida hadallada gefka ah, mucaaradnimada aan hadafka laheyn, shakiga iyo cabsida.

“Waxaa halkaan na dhigay kala shaki aan qabno, dalkaan qof inta garabka saarta la carari karaahi ma jiro, reer hebel ama nin hebel ayaa sad-bursi watee ka dhig kuma jiri karnee aan iskaashi iyo wadatashi ku dhisano dalkeena,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu codsaday in dowladnimada loo ogolaado inay korto, “hey’adaha dowladda markii ay talaab horay u qaada maagaan hadii la dhaho fiiri xumaantii ay samey jireen ayay soo wadaane, waxay noqa doontaa in la kala cabsado oo shaqo kasta laga cabsado,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa balan qaaday in dowladiisa aysan samey doonin qalad ku talagal ah, balse wuxuu xusay inay wax ka qaldami karaan oo bini’aadam ay yihiin, balse ay dadaali doonaan, “hadaan qaldano waa naloo sheegi karaa, ma ahan inaan dhahno ma anagaa hebel wax noo sheegi karaa? Maya ma dhici doonto taasi,” ayuu yiri.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in halka ay maanta ay Soomaaliya joogto aysan aheyn meel lagu sii nagaa karo, “waa inaan horay u soconaa oo deg degnaa inagoo iska ilaalineyna inaan kufno,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Madaxweynaha ayaa qiray in 20-kii sano ee lasoo dhaafay ay Soomaaliya sameyneysay hormar, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in halkaan meel ka sareysa uu gaari karay dalkaan, laakiin dadka Soomaaliyeed ay ayagu lugaha is qabteen.

Hoos ka daawo