Daawo: Xildhibaano ka hor-yimid qorshaha wax ka bedelka dastuurka ee Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii uu maanta furmay kalfadhiga 4-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana uu madaxweyne Xasan Sheekh xildhibaanada ka hor sharaxay sida uu doonayo in loo dedejiyo dhameystirka dastuurka ayaa waxaa hadlay qaar ka mid ah xildhibaanada.

Xildhibaan Saadaq Cabdullahi Cabdi oo ka mid ah xildhibaanada diidan in hoggaanka dalka loo raro nidaam Madaxtooyo oo madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ah ayaa cadeeyey mowqifkiisa.

Xildhibaan Saadaq ayaa sheegay in xasaasiyad badan ay ka taagan tahay kalfadhigaan, maadaama ay arkaan arrimo culus oo ku saabsan wax ka bedelka dastuurka oo kooxda Madaxweynaha ay gadaal ka riixayaan.

“Madaxweynuhu wuxuu u muuqdaa nin raba in baarlamaanka uu ku adeegto, balse taasi waa fowdo dhali doonta fowdo kale, waxaana ka cabsanaa in baarlamaankaan la xakamey waayo,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Wuxuu sheegay in xildhibaanadu ay xasaasiyad ka qabaan heshiiskii golaha wadatashiga qaran oo la doonayo in la marsiiyo baarlamaanka, iyadoo ay ku jirto in labo xisbi lagu soo koobo siyaasadda dalka, in muddo xileedka hey’adaha dowladda laga dhigo 5-sano iyo in kursi madaxweyne ku xigeen lagu bedelo kursiga ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaan Saadaq in golaha wadatashiga qaran oo doonaya inay baarlamaanka wax u meeriyaan aysan ayagu heysan wax sharciyad ah, sidaas darteed shaqada wax ka bedelka dastuurka ay ku filan yihiin labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Xildhibaanada qaar wadatashi ayey ka yeesheen arrinta wax ka bedelka dastuurka, mana shaqey doonto sida ay wax u rabaan kooxda madaxweynaha iyo golaha wadatashiga qaranka, shaqadaan waa shaqo baarlamaan, nidaam qof ama qolo gaar ah u adeegaya dalkaan kama shaqey doono,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Sidoo kale wuxuu sheegay xildhibaankaan, in beelaha qaar, sida beesha uu ka soo jeedo ee Digil iyo Mirifle ay xad gudub ku tahay arrinta uu doonayo inuu baarlamaanka marsiiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

“Kalsoonida ka dhex jirta Madaxweynaha iyo beesha Digil iyo Mirifle waa mid aad u hooseysa, dhowr jeer ayaan madaxweynaha ula tagnay arrimo khuseeya masiirka beeshaan, waana ka meer meeray, maalintii Teendhada lagu soo doortay ayaa noogu dambeysay,” ayuu yiri Xildhibaan Saadaq.

Hoos ka daawo