Dadka dhinta iyo kuwa howl-gebka ah oo xuquuq ka heli doona DF, hadii ay ku jiraan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyey ‘Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka’ shaqaalaha rayidka ee Soomaaliya, kaas oo soo maray ansixinta Golaha shacabka ee BFS.

Wuxuu Hindise sharciyeedkaan ka kooban yahay saddex qodob oo kala ah:

1-xuquuq siinta dadka hawlgabka noqda marka ay gaaraan da’da 65 sano.

2-xuquuq siinta dadka hawlgabka noqda, iyaga oo muddo intaas ka yar shaqaale ka ahaa hay’adaha dawladda Soomaaliya.

3-Iyo xaquuq siinta ehelka kuwa geeriyooda iyagoo ku jira shaqada dawladda.

Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa sheegtay in sharcigaan uu muhiimad u leeyahay shaqaalaha dowlada, si ay u helaan xaquuqaadkooda marka ay shaqada qaranka ay gebaan.

Maadaama la ansixiyey sharcigaan muhiimka u ah shaqaalaha dowladda Soomaaliya, waxaa hadda socda qorshe lagu dhisayo hay’ad ka shaqay doonta xuquuqsiinta dadka u shaqeeya dawladda, markii ay hawlgab noqdaan.

Sidoo kale sharcigaan wuxuu qeexayaa waajibaadka xaquudeed ee uu helayo qofka u shaqeeya dowlada, laga bilaabo maalinta uu dhaqan galo, kuwaas oo isugu jira dhaqaale iyo xaquuqaad kale oo muhiim ah.

Shuruudaha ku xiran in xaquuqda howlgabka uu helo qofka ayaa ah in uu da’ ahaan uu shaqaaluhu gaaro 65 sano iyo in uu muddo 10 sano ah u soo shaqaynayey dowladda, shaqaalaha buuxi waaya shuruudahaas waxaa jira xaquuq kale oo ay helayaan.

Sharcigaan oo sugaya saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo kaliya, si faafinta rasmiga ah ee dowladda loogu soo saaro ayaa dhigaya in qofka dowlada u shaqeeya laga jarayo mushaarkiisa 5% inta uu ku jiro shaqada qaranka.

Qofka howlgebka ah ee gaara 65 sano wuxuu heli doonaa 70% mushaarkii uu qaadan jiray intii uu ku jiray shaqada, sida kale qiimo intaas la eg ayaa waxaa qaadan doona ilmihii uu ka tagay qofkii geeriyooda isaga oo haya shaqada qaranka.

Shaqaalaha Rayidka ah ee dowladda Soomaaliya sharcigaan ka hor maheli jirin wax xaquuq, wixii ka dambeeyey markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Sharciga uu maanta ansixiyey golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa shaqadiisu soo bilaabatay sanadkii 2021-kii, Bangiga Adduunka ayaana dowlada Soomaaliya ka taageeray dhanka maaliyada iyo farsamada khuburada diyaarisay sharciga cusub ee lagu maamuli doono shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya.