Dagaal culus oo ka socda Laascaanood iyo Somaliland oo go’aan ku gaartay in…

Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Sool ayaa sheegaya in markale uu maanta dagaal dib uga billowday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada maamulka Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Dagaalka haatan socda ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xoogan yahay kuwii horay uga dhacay gudaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Somaliland ay weerar saddex jiho ah ku qaadeen Laascaanood, waxaana iska caabin kala horyimid ciidamada deegaanka.

Labada dhinac ayaa is weydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haatan ka socda halkaasi.

Sidoo kale waxaa dagaalkan barbar socda madaafiic ay weli ciidamada Somaliland ku garaacayaan bartamaha magaalada, taas oo  kordhineyso khasaaraha iyo burburka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale innoo sheegay in Somaliland ay go’aan ku gaartay in maanta la wada qabto Laascaanood, si ay ugu laabtaan ciidamadeeda, taas oo keentay in magaalada uu ka qarxo dagaal ka xoogan kuwii horay uga dhacay halkaasi.

Abaabulka qorshaha ay maanta ku dhaqaaqday Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday duleedyada magaaladaas oo ay maanta kasoo weerartameen ciidamadeeda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u cakiran, waxaana magaalada gudaheeda si xoogan looga maqlayaa rasaasta iyo hubka culus ee ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Dagaalka Laascaanood ayaa galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, wuxuuna sababay dhimashada dad ku dhow 100 qof, dhaawac 500 oo qof iyo burbur sii gaaray magaalada.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xaalada Laascaanood, maadaama ay arrintu faraha ka baxday dhiigna uu ku daatay magaaladaasi.