DAGAALKA Macdaarleydu dhamaad ma leh – (Xogta loolanka qandaraaska PDG)

Doorashadii Puntland ee 2019-ka waxaa ku guulaystay ganacsato Shuraako ah oo isbahaysatay, ganacsatadan ayaa tartanka doorashada ku soo galay labo musharax, qorshahooduna wuxuu ahaa in labada musharax mid uun u guulaysto, labada musharax ayaaa kala ahaa Siciid Cabdullaahi deni iyo Faarax Cali Shire.

Guushii ka dib, waxaa bilowday halgan ku dhisan damaaciga gacan ku haynta qandaraasyada Puntland, iyadoo khilaafkii u horreeyay uu ka bilowday qandaraaskii ciidamada PMPF ee imaraadku gacanta ku hayo, iyagoo Ganacsatadii guulaystay ay bilaabeen inay ku kala sad bursadaan islamarkaana ku kala adkaadaan nafaca laga helo gacan ku haynta qandaraaska PMPF-ka.

Khilaafkaas wuxuu sababay in ganacsatadii iswadatay khilaafkoodii banaanka u soo baxo iyagoo khilaafkooda ku saleeyay hardan beeleed gaar ahaan beelaha dega Nugaal, Karkaar iyo Bari oo ay ka kala soo jeedeen, waxayna bilaabeen hub aruursi iyo kala jabinta ciidamadii Puntland.

Madaxweyne Deni oo xubin ka ahaa ganacsatadii dalka qabsatay ayaa wuxuu taageeray dhinac ka mid ah ganacsatadii, wuxuuna ugu hiiliyay awoodiisa madaxweynanimo, taasi sii xoojisay khilaafkii ganacsatadii iswadatay doorashada ka hor.

Khilaafku wuxuu sii labo jibaarmay markii la isku adeegsaday Baraha bulshada iyadoo Daraf ka mid ah ganacsatadii lagu tilmaamay inay yihiin Daacish (ISIS) iyo burcad-badeed, islamarkaana ay qas iyo nabadgelyo xumo ay ka wadaan gobolka Bari, Halka kooxda kale lagu tilmaamay qawlaysato aan dalka iyo dadka u naxeen oo madaxweynaha awoodiisana dadka iyo dalka ku handadaya.

Wuxuu khilaafku sii socdaba labadii daraf ee doorashada ka hor midaysnaa waxay ciidamada Puntland oo ay magacyo u kala bixiyeen isugu geeyeen magaaladda Bosaso, waxayna cod dheer ku dhawaaqay in dagaal dhici doono, dagaalkaasi oo dhexmari doono mucaaradka Bosaso iyo Dowladda oo ka sifaynaysa Magaaladda.

Halkaa marka ay marayso Xaaladu waxaa soo dhexgalay arrintii qaar ka mid ah isimadda Puntland waxayna ku guulaysteen inay dib u celiyeen qayb ka mid ah ciidamadii soo galay magaaladda ee taageersanaa labada daraf mid ka mid ah, iyagoo ku qanciyay in tabashadoodii ay isimadu la wareegeen.

Khilaafka waxaa sabab u ahaa waxaa dhamaaday mudadii ay Puntland la gashay heshiiska Shirkada Sarecen ee ay Emaratka wakiilka ka ahayd, mudadaas oo ahayd 10 sano, waxayna kala ahayd 5 sano oo Madaxweyne C/raxmaan Faroole ah iyo 5 sano oo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ah, waxaana heshiisku qorayay in 10-kii sano mar la cusboonaysiiyo, halkaas ayaa waxaa ka dhashay hardanka gacan ku haynta qandaraaska cusub.

Waxayna qaybtii uu hoggaamiyay Ganacsade Maxamuud Shido go’aansadeen in la balaariyo xubnaha ka mid noqonaya qandaraaska cusub waxaana lagu soo daray Xasan Cabdullaahi Deni oo walaal la ah Madaxweyne Deni, Ganacsade Daahir Ayaanle yo Wasiirka Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal sidoo kale waxay go’aamiyeen in meesha laga saaro darafka kale (qaybta labaad) ay saaxiibada wada ahaayeen.

Eedaymahii Deni lagu qanciyay waxaa mid ahaa Bashir Cabdullaahi Saalax uu saami lacageed oo aan xadigeeda la garanayn uu kor ka qaato taaso aan ka mid ahayn lacagta Imaaraadka ka timaada oo iskugu jirta Adeeg, Mushar, lacago Isimo la siiyo iyo lacagaha Qandaraasleydu wada helaan oo ay shirkada ku yihiin.

Madaxweyne Dani safar-kii ugu horeeyay ee Emaratka ee Bishii March wuxuu kula kulmay magaalada Abu Dabai Saraakiil derejedoodu hoosayso oo Emarat ah waxayna u sharaxeen qaabka ay lacagaha u bixiyaan iyo Akoomada iyo shakhsiyaadka ay marsiiyaan iyo cadadka lacagta guud ahaan,

Ka dib Madaxweynuhu wuxuu u sheegay Saraakiisha Emaratka inuu arintaan wax kabadali doono ayna qalad tahay sida ay wax u Maamulaan hada.

Intii u dhaxaysay Bilihii April ilaa August ayaa Xildhibaan Maxamuud Mashruuca iyo Ganacsade Cismaan Shiraquud oo ka mid ah guddiga dhexe ee shirkadda PDG, islamarkaana matalayay Ganacsade Bashiir waxa ay kulamo kula yeesheen Madaxweyne Dani iyo Maxamuud shido Magaalooyinka Boosaso iyo Garoowe, dhammaan kulamadaasi natiijo la’aan ayay ku dhamaaday ka dib markii u ay cadeeyeen Madaxweyne Deni iyo Ganacasade Shido in laga qaadayo Qandaraaska PDG ayna qaataan Agabka ka yaala xarunta PMPF.

24 Bishii September, Madaxweyne Deni oo ay weheliyeen Xasan Cabdullaahi Deni oo Madaxweynaha Walaakiis ah iyo Cabdirabi Cismaan Maxamed oo Madaxweynuhu u magacaabay xiriiriyaha Ciidamada PMPF-ta ee Madaxtooyada ayaa xarunta PMPF waxay kula kulmeen Saraakiil dowladda Imaraadka ah waxaana shirkaas ka maqnaa dhamaan qandaraasleydii mashruuca gacanta ku haysay.

28 September 2019, afar Maalmood ka dib shirkii Madaxweyne Deni iyo Saraakiisha Imaradka waxaa markii u horraysay waji- ka -waji isku arkacay Asaasihii mashruuca PMPF-ta ahna guddoomiyaha Shirkadda PDG Bashiir Abdullahi Saalax Deer iyo Madaxweyni Deni wuxuuna ahaa kulankii u danbeeyay uguna horeeyay wuxuuna isna ku dhamaaday isfahan la’aan ka dib markuu Madaxweynuhu u sheegay ganacsade Bashiir in qandaraaskii PDG-da uu ku egyahay 1-da November, lagana wareejiyay Mashruuca isaga, ka dib wuxuu Bashiir Salax Meesha ka sheegay inuu isagu keenay Mashruuca isla markaana wakiil ka yahay sidoo kalena isagu uu leeyahay dhulka ay dagan yihiin PMPF.

DIB U MILICSIGA TAARIIKHDA MASHRUUCAN

Taariikh ahaan qandaraskan waxaa fikradiisa iyo bilowgiisaba lahaa ganacsade u dhashay gobolka Sool oo la yiraahdo Cali Geele, xiligii Madaxweyne Cadde Muuse Xirsi (Alle ha u naxariistee ) ayuu isku dayay inuu dalka keeno hase yeeshee uma suurtoobin waqtigii xukuumadii Mweyne Cadde oo dhamaad loona diyaar garoobayay doorashooyin .

Ka dib doorashadii Madaxweyne Faroole 2009-kii ayaa mar labaad waxaa la keenay Qandaraaskii oo uu markan hoggaaminayo Bashiir Cabdullaahi Salax oo heshiis la soo galay Ganacsade Cali Geele, waxaana heshiiska qanadaraaska garab ku siinayay Bashiir Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo Madaxweyne Faroole ka dhaadhiciyay faa’idada mashruucan ugu jirta Puntland dhaqaale ahaan iyo amni ahaan madaama xiliigaas ay Puntland dhibaato ka haysatay la dagaalanka Burcad-badeeda.

Qandaraaska waxaa si buuxda qalinka loogu duugay 2009-2010, waxaana wada saxiixay Ganacsato wakiil ka ah Dawladda Puntland iyo shirkada Sarecan oo wakiil ka ah dowladda Imaraadka, islamarkaana fulinaysay qandaraaska mashruuca saxiixa ka dib qandaraaska waxaa kusoo biiray Xildhibaan Maxamuud Mashruuc, Suldaan Ciise Xasan Cumar (alle Ha u naxariisto) oo noqday Agaasime ku-xigeenkii PDG, Suldaan Bashiir Muuse Koonte (Alle ha u naxariisto) oo isna Ku-xigeenka PDG akdib egeridii Suldaan ciise, Ganacsade Cismaan Shirequud iyo Ganacsade Maxamuud Shido oo dhinac Madaxweyne Faroole ka socday, awood badana la siiyay.

Waqtigii Madaxweyne Gaas 2014-2019kii waxaa si gaar u xoroobay kooxda Bashiir Salaxdeyr maadaama waqtigii Faroole kooxda Maxamuud shido ay ku cabsi galin jireen darafka ganacsade Bashiir inay kala noqon doonaan Qandaraaska isla markaana waxaa hoos loo dhigay awoodii iyo dhaqaalihii Maxamuud shido maadaama ay meesha ka baxday Awoodii faroole oo uu matalayay Maxamuud shido wuxuuna marar badan sheegay inuu aargoosan doono.

Sidoo kale waxaa jiray cabashooyin bilowgii 2017- 2018 waqtigii xukuumadii Gaas waxayna Madaxda Imaraadku ay ka cowdeen shaqo xumo ay qolada Qandaraasleyda uga cabanayeen laakiiin Madaxweyne Gaas wuxuu u sheegay inay ilaaliyaan hashiiska, wuxuuna u sheegay PDG inay xaliyaan wax yaalaha laga cabanayo.

Haddaba taariikhiyan inta la xasuusto ma dhamaado dagaalka macdaarlaydu (Ganacsatadu), waxaana suurtagal ah in dhowrkii biloodba mar uu soo labo kacleeyo markasta oo la helo qandaraas cusub.

W/Q: Cumar Siciid Maxamed
www.facebook.com/OmarAkhiyar